Badheedhaha KULMIYE, Bayaaminta UCID, Ballan-qaadka WADDANI, Bartilmaameedka Akaademiga iyo Boogta Dib-u-dhaca Shirkii Dood-cilmiyeed Qaran

Hargeysa (SLpost)- Shir-wayne wada-tashi Qaran ay ugu yeedheen Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland oo muddo doodi ka taagnayd isla markaana ay ka soo horjeedeen Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE diiddanaayeen, balse ka dib isu-soo-dhawayn la sameeyey ay Xisbiyada UCID, WADDANI iyo KULMIYE iskula qaateen in Akaademiga nabadda iyo horumarinta Somaliland lagu wareejiyey qaban-qaabada iyo qabashada Shirkaas oo markii dambe loogu yeedhay ‘Dood-cilmiyeed’, ayaan illaa hadda la ogeyn halka uu ku dambeeyey, markii uu ka dib dhacay bishii labaad ee sannadkan oo qorshuhu ahaa in la qabto.

WARKA 1AADHaddaba, si aynu wax uga ogaanno Shirkaasi halka uu ku dambeeyey iyo caqabadaha soo food-saaray ee xataa hadal-hayntiisii meesha ka saaray, waxa uu Wargeyska Himilo la xidhiidhay dhinacyada Shirkaasi khuseeyey ee Xisbiyada Siyaasadda iyo Akaademiga nabadda iyo horumarinta Somaliland, bal si ay wax uga iftiimiyaan halkay wax marayaan.

Guddoomiyaha Akaademiga nabadda iyo horumarinta Somaliland oo aannu isku daynay inaannu arrintaa ugu horreyn wax ka weydiinno, ayaa ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah naga siiyo shirkaas iyo hawlihiisa. Hase-yeeshee, Sarkaal sare oo ka tirsan Akaademiga oo ka gaabsaday in magiciisa la shaaciyo, ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in Shirkaas oo la diyaariyey, isla markaana hawlihiisa la dhammaystiray oo la bixiyey kaadhadhka casuumadda ee shirkaas lagaga soo qaybgalayay, isla maalintii uu furmi lahaa ee Huteelka lagu qabanayey xataa cuntadii looga baahnaa la diyaariyey ay Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI codsadeen in dib loogu dhigo khilaafkii ka dhextaagnaa Golaha Wakiillada awgii.

“Shirkaas annagu maannaan qabsanayn ee cid baa wadatay oo loo qabanayay, annagu hawshii nagaga aaddanayd waannu dhammaynay illaa dhaqaalihii ku baxayey, hase-yeeshee, markii aannu wax kasta diyaarinnay ee aannu kaadhadhka casuumadda ka soo qaybgalka bixinnay ee aannu Huteelka soo kiraynay ee illaa cuntada aannu dalbannay, ayaa subaxdii uu furmi lahaa Xisbiyada Mucaaridka ahi dalbadeen in dib loogu dhigo khilaafkii Golaha Wakiillada ka dhex-taagnaa awgii.” Sidaa waxa yidhi Sarkaal ka tirsan Akaademiga nabadda iyo horumarinta Somaliland oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey halka uu shirkaasi ku dambeeyey.

Waxaanu Sarkaalkaas oo hadalkiisa sii wataa intaas ku daray oo uu yidhi; “Markaa, halkaa xataa khasaare maaliyadeed baa ka dhashay oo cuntada aannu dalbannay ee la diyaariyey dib noogu dhiga nalagama yeelayo ee Lacagteedii waannu bixinnay, lacagtii kaadhadhka, Hoolkii aannu kiraynay iyo hawlihii kale ee aannu galnay-ba kharashkoodii dee naguma baaqan ee waannu bixinnay. Immikana war dambe oo nagaga soo noqday ma jiro. Markaa, annaga xaggayaga dib-u-dhac kama iman ee ciddii wadatay marka horeba shirkan ayaa dib-u-dhacu xaggooda ka yimi, immikana markay iyagu yidhaahdaan; ‘diyaar baannu u nahaye noo qabta shirkii’ ayaannu u qabanaynaa haddii Illaahay yidhaahdo.”

Guddoomiyaha Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo mar uu dhawr toddobaad ka hor Weriye Wargeyska Himilo ka tirsani khadka taleefanka ku waraystay uu wax ka weydiiyey halka uu ku dambeeyey shirkaasi iyo goorta la qabanayo, ayaa ku jawaabay; “Maalintii loo ballamay waa tii xaggooda (Xisbiyada Mucaaridka ah) uu dib uga dhacay (Shirkaasi), war kalena kama hayo.  Qolooyinkaa xaggooda ayuu dib uga dhacay.”

“Annagu diyaar baanu ahayn markii la qabanayey. War dambena kama maqal. Maalintii la qabanayay aniga xaggayga kamuu baaqan,” ayuu yidhi Muuse Biixi oo ka gaabsaday inuu si cad u sheego cidda uu ku eedaynayo masu’uuliyadda dib u dhaca ku yimi shirka wada-tashi ee Axsaabta Qaranku u ballantay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbil-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isagana arrinta shirkaas iyo dib-u-dhiciisa wax laga weydiiyey, ayaa ku jawaabay; “Waxaannu dhex-dhexaad ku gaadhnay in shirka wada-tashiga ay qaban-qaabiso Akaademiga nabadda iyo horumarinta, wakhti baa la qabtay, lacagtii baa dhammeeyey, meeshii baa la kireeyey, laakiin waxa naga soo dhex-galay qalalaasihii Baarlamanka ee u dhexeeyey dawladda iyo Guddoomiyaha Wakiillada.”

“Markaa, Xisbiga WADDANI baa naga codsaday in dib loo dhigo, markii dib loo dhigayna waxaa naga soo dhex-galay Safarro ay tegayeen Masuuliyiinta WADDANI iyo KULMIYE oo isaguna galaya (qabsanaya) Shirweynihiisii iyo May oo soo socota. Markaa, waxaannu ku tashanaynaa bacdal may haddii Illaahay yidhaahdo Insha Allaahu Tacaalaa in June la qabto.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ay lixdii bishan aynu ku jirno ay Waraysi la yeelatay Idaacadda Hillaac isaga oo ku sugan dalka Finland, waraysigaas oo su’aalihii lagu weydiiyey ay ka mid ahayd halkuu ku dambeeyey shirkii dood Qaran ee ay Xisbiyada Mucaaridka ah wadeen.

Haddaba, Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Axmed Muumin Seed oo Wargeyska Himilo xalay wax ka weydiiyey shirkaas iyaga awgood dib loogu dhigay halka uu hadda ku dambeeyey iyo waxa uga qorshaysan, waxaanu ku jawaabay; “Horta, xaalad siyaasadeed oo yar murugsan waynu galnay markii khilaafka wakiilladu taagnaa, markaa haddii aannu wakhtigaa dalbannay in dib hawshaa awgeed naloogu dhigo qabashada shirka annaga hadda wax dib-u-dhac ah oo xaggayaga ka taagani ma jiro. Sidaa daraaddeed, Akaademiga ayaannu ka sugaynaa wakhtiga ay qabanayaan.”

Guddoomiye Ku-xigeenka WADDANI Axmed Muumin Seed oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyey sida uu Faysal Cali Waraabe sheegay in Masuuliyiinta WADDANI oo safarro dibedeed galay iyo qabshada Shirweynaha KULMIYE ay mar labaadkii xannibaad ku noqdeen qabashada Dood-cilmiyeedka Qaran, waxa uu ku jawaabay; “Masuuliyiinta Xisbigayaga ka safray dee haddii wax looga baahdo maalmo iyo saacado ayay dalka ku iman karaan oo ay ku soo noqon karaan. Laakiin, waxaan isleeyahay waxay Akaademigu ka dhursugayaan Xisbil-xaakimka xaaladdiisa ku saabsan shirweynihiisa oo aynu ognahay inay ku rafatay.”

“Laakiin, annaga maanta wax naga xannibani ma jiro, ee sidii aannu kalsoonida u siinnay Akaademiga horumarinta iyo nabadda Somaliland ay u haystaan, isla markaana annagu iyaga ayuun baannu ku ixtiraamaynaa oo aannu uga dambaynaynaa shirkaas wada-tashiga ee markii dambe loo bixiyey Dood-cilmiyeed qaban-qaabadiisa iyo qabashadiisa-ba, sidii aannu ugu xil-saarnay ayay weli ugu xil-saaran yihiin Akaademigu.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka WADDANI.

Maaddaama oo ay Xisbiyada UCID iyo KULMIYE, sheegeen in aanay xaggooda wax ka xannibmay jirin ee uu WADDANI awgii shirkaas qabashadiisu dib ugu dhacday, miyaan la odhan karin waxaa shirkaas meesha ka saaray WADDANI? Su’aashaas oo aannu weydiinnay Axmed Muumin Seed waxa uu kaga jawaabay; “Maya! Adeer taa lama odhan karo ee hawshaa shirka ciddii aannu u xil-saarnay sidaan kuu sheegay ayaannu ku ixtiraamaynaa, maalinta ay yidhaahdaan Akaademigu waannu qabanaynaa shirkaasna diyaar baannu annagu WADDANI ahaan u nahay ee waxaannu diiddannahay iyo waxaannu meesha ka saarnay midkoodna ma jiro.”

Sidoo kale Guddoomiye Ku-xigeenka WADDANI oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey Xummaddii Mucaarid ahaan idin haysay ee la xidhiidhay qabashada Shir Qaran oo loo beddelay Dood-cilmiyeed, maxaa iska beddelay, goormaad-se qorshe ahaan rabtaan in la qabto shirkii, Akaademiga-se maxaa hadda isku ogtihiin? Waxaanu yidhi; “Horta, xumad gaar ah oo Mucaarid ahaan na haysay ma jirin ee dalkan horumarkiisa iyo higsigeenna 23-sano aynu raadinayno ee aqoonsiga iyo waxa ay bulshadu tabayso in laga hadlo oo Maamulka jira talooyin loogu jeediyo ayuun baannu rabnay ee wax gaar ahi namay shidayn haddaannu Mucaaridka nahay, immikana wax gaar ahi nama shidayo, wixii aannu doonaynay in laga hadlaana waa wax taagan, diyaarna aannu u nahay in laga hadlo. Akaademigana iyaguun baannu sugaynay ee dee immika ayay noqonaysaa inaannu ka war-doonno oo aannu arrintaas kala hadalno.”

Illaa hadda si rasmi ah looma oga goorta la qaban doono Shirkaas Dood-cilmiyeedka, sida uu u suura-geli karo, qaabka loo qaban doono iyo inuu sidaa meesha kaga bixi doono. Hase-yeeshee, waxaa jawaab buuxda ay bulshadu ka rabtaa dhinacyada hawshani khusayso oo wada-jir dadweynaha ugu soo bandhiga qorshohooda ku saabsan Shirkaas oo Bulshada muddo bilo dhawr bilood ah lagu dhaga-jala-qeeyey, haddana si hawl-yar jabaqdiisaba loo daayey.

XIGASHO: Himilo