Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodijeex oo ka hadlay Sababihii Xilka loo qaaday iyo Ku-biiristiisa Xisbiga WADDANI

Hargeysa (SLpost)- Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodijeex Mustafe Cabdi Shiine, oo dhawaan madaxweynaha Somaliland Xilka ka qaaday, ayaa markii u horeysay ka hadlay Sababihii Xil-ka-qaadistiisa iyo Ku-biiristiisa Xisbiga WADDANI oo uu ka dhex-mudhay isagoo aan wali xilka ku wareejin Guddoomiye Cusub oo madaxweynuhu u magacaabay.

Mustafe Cabdi Shiine oo u warramay telefishanka ERYAL, waxa uu ku dooday in xil-ka-qaadistiisa uu ka dambeeyey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay inuu tallabadaas qaaday kaddib markii uu “iga waayey wada-shaqayn iyo Kaambaynka Xisbiga Kulmiye”.

HOOS KA DAAWO WARKAN OO FAAHFAAHSAN.