Badhasaabka Togdheer Oo Ka Hadlay Suldaan Burco Lagu Xidhay

Hargeysa, (SLpost)- Badhasaabka Gobolka Togdheer   Maxamed Muuse Diiriye,ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Suldaan dhawaan lagu xidhay Magaaladda Burco, ka dib markii Warbaahinta u mariyay hadalo uu ku duray Wasiirka arimaha gudaha iyo Sharci-nimadda Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo.

Badhasaabka oo maanta qaar ka tirsan Warbaahinta kula hadlayay Magaaladda Hargaysa,ayaa sheegay in Suldaanku ka mid yahay Umadda reer Somalilad, dembi uu galayna loo xidhay,sharcigana la horkeeno doono.“ Madax dhaqameedku waxa uu ka mid yahay Umadda reer Somaliland,cidii danbe gashana waa la qabanayaa. Suldaankaasi waxa uu gaadhay Cashuur yaan la bixin,hala gadoodo,halagu kala tago meesha. cid aqbalaysaana ma jirto,Suldaanka iyo waxii kale ee sidaas u hadlaba xadhiga wey u qalmaan,waana la xidhayaa”. Ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye