Badhasaabka Togdheer Oo Ka Hadlay Sababta Ay U Xidheen Cabdimaalik Coldoon Sheegayna Inay Maxkamad Horgaynayaan

Hargeysa(SLpost)-Badhsaabka gobalka Togdheer Maxamed Ibraahin Qabo ayaa ka hadlay xadhiga wariye Cabdimaalika Coldoon oo dhawaan lagu xidhay magaalada Burco.

Waxa uu badhasaabku sheegay inuu nin maxbuus ah iyo ilmo yar uu waraystay oo aanu sharciguna u ogayn, sida oo kale waxa uu sheegay in talaabo laga qaaday askartii u sii daysay inuu maxbuuskaas waraysto. waxaana isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi“Dalkani waxa uu leeyahay kala danbayn qof walibana waxa uu leeyahay xad iyo xuuud, ka xadkiisa ka gudbana waa la xidhayaa, waxa uu ugu galay godkiisii qof maxbuus ah oo xidhan, kuwii sii daayayna talaabo ayaa laga qaaday, waxa uu waraystay ilmo yar oo aan saxaafada loo ogayn , waxa ay ninkaas xeer ilaalinta iyo haayadaha baadhistu ay ku soo eedeeyeen qodobada 205,326 iyo 338 waxa kale oo ku eedaysan yahay qodobaka 18-aad ee xeerka saxaafada.”