Ceel-Afweyn (SLpost)- Rabshaddo iyo mudaharaad ayaa ka dhashay, ka dib markii sagaal ka mid ah, 17ka xubnood ee golaha degaanka degmadda Celef-Weyn, fadhi ay maanta yeesheen ku doorteen Maayir iyo Maayir ku Xigeen.
Fadhigan oo qarsoodi ahaa laguna wargalin Sideed Xildhibaan ee kale ka mid ahaa golaha degaanka , ayaa markii ay dadweynihii ka war heleen doorashadan, waxa magalaadii ka bilaabmay mudaharaadyo, lagaga soo horjeedo talabadan, waxaana taayiro lagu gubay jidadka magaaladda, iyadoo sida la sheegay dad cadhaysani ay burburiyeen qalabkii iyo xafiisyadii dawlada Hoose, isla markaana dab qabadsadeen faylalkii iyo Waraaqihii yaalay goobtaasi.Waxaaana cakirantay xaaladda magaaladaasi.
Fadhigan ay isku doorteen sagaalka xildhibaan oo la sheegay inuu goob joog ka ahaa Badhasaabka gobolka Sanaag Aadan Diiriye Cigaal, oo isku dayay inuu dejiyo xaalada ayaa kala kulmay waji gabax ,ka dib markii dadweynaha degmadaasi ku mudaharadeen, oo dhagax la dhaceen baaburkii uu watay, waxaana la sheegay inuu soo cararay dhinaca galbeedka Somaliland, markii uu arkay in xaaladii uu gacantiisa ku abuuray gacantiisa faraha ka baxday.
Xaaladda degmadaasi ayaa kacsanayd ilaa galinkii danbe maanta balse hadda degan markii ay ka hawlgaleen waxgaradka iyo odoyaashada magaaladaasi.
Cuqaasha iyo Odoyaasha Celef-weyn, ayaa badhasaabka gobolka Sanaag ku eedeeyay inuu abuuray dhibatadan, wixii ka dhacay magaaladda Celef-weyn uu masuul ka yahay tuurtana ku sitay oo uu kala yimi Celefweyn.
Wararka kale ee ka imanay degmada Celef-Weyn, ayaa sheegayaan Sideedii Xildhibaan ee ka maqnaa fadhigaasi qorshaynayaa fadhi ay ku doortaan Maayir iyo Maayir ku Xigeen.
SOMALILANDPOST.NET