Badhasaabka Gobolka Sanaag oo ka Waramay Sarkaal Buuraha Galay

Hargeysa(SLpost)- Axmed Cabdi Falaay, badhasaabka gobolka Ceerigaabo oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay inaan wali la hayn sarkaal booliska ka tirsanaa dhawaan galay buuraha gobolka Sanaag, kaddib markii taliska gobolka ay iskhilaafeen, soo qabashadiisuna Ceerigaabo ka abuurtay qalalaase dhimasho iyo dhaawac keenay.

Badhasaabka ayaa ku dooday inay wali ku dabajiraan ninkaasi, islamarkaana meelaha ay u filayeen uu hadda u muuqdo mid ka fog laakiin, ay si weyn ugu dabajiraan. Waxa uu sheegay in la soo qaban doono.

Geesta kale wuxuu walaac ka muujiyay seerayaasha dadka gobolka Sanaag ka samaystaan dhulka xoolo daaqeenka ah. Waxa uu sheegay in sidoo kale dhulka lagu hayo xaaluf ba’an.