Badhasaabka Gobolka Sanaag oo faahfaahiyey Khasaare ka dhashay Dagaal Dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo Malleeshiyaad Hubaysan

badhasaabka sanaag tiimbaro
Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro

Ceerigaabo (SLpost)- Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), ayaa faahfaahin ka bixiyey sida uu ku bilaabmay iyo khasaaraha ka dhashay Iska-horimaad hubaysan  Dowga Tabca oo ah Jidka laga galo Buurta Daallo maanta ku dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo Malleeshiyaad uu wato Korneyl Caarre.

 

Badhasaabka Gobolka Sanaag waxa uu sheegay in Ciidamada Qaranku gaadiid Tikniko ka qabsadeen Maleeshiyaadka Caarre oo maalmihii u dambeeyey waan-waan iyo wada-hadallo u socdeen xukuumadda oo u dirtay Odayaal iyo Wax-garad isku-beel yihiin. Isku dhaca ayaa bilaabmay kaddib markii Malleeshiyaad Caarre Isku dayeen inay Aag-beddelasho sameeyaan iyagoo u guurayey dhinaca gudaha ee Buurta Daallo, taas oo sababtay in Ciidanka Qarankuna ka war-helo dhaq-dhaqaaqooda.

 

Md Tiimbare oo galabto warbaahinta qaarkeed ugu warramay magaalada Ceerigaabo, waxa uu yidhi, “Saaka waxa dhacay, ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gaadhay ciidan uu watay ninka la yidhaahdo Caarre oo soo gaadhay kedinka laga galo Buurta Daallo (Dowga Tabca). Nasiib wanaag, iyadoo aanay Ciidanka waxba ku dhiman, waxay ka qabteen laba gaadhi, isagii iyo saddex gaadhi-na waxay u yaaceen buurta gudaheeda. Si nabadgelyo ah ayaa Odayaashii looga daba-diray oo mar walba xagga nabad-gelyada ayaynu ka maraynaa, qofna innagama go’o, hawshaasi si wanaagsan ayay u socotaa, waanay soo gebo-gaboobaysaa insha Allah.”

 

Badhasaabka Gobolka la Sanaag oo la weydiiyey Wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dagaalka Dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo Malleeshiyaadka Caarre, waxa uu ku jawaabay, “Labada gaadhi ee ninkaas laga soo qabtay oo faa’ido ah mooyaane, wax khasaare ah waxa jira inan dhaawac ah oo finiin ku dhacay.”

 

Madaxweynaha Somaliland oo maanta ka hadlay xaaladda ka soo cusboonaatay gobolka Sanaag, ayaa sheegay in sida ugu dhakhsaha badan loo soo afjarayo arrintaas iyadoo wada-hadallo iyo waan-waan loo marayo isla markaana ay xilligan hawsheeda ku jiraan Madax-dhaqameed iyo Odayaal Isu-xil-qaamay soo-afjarista khilaafka Korneyl Caarre iyo Xukuumadda.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net