Badhasaabka Cusub ee Maroodijeex oo maanta Xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore ee gobolkaas

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud Cali (Jeeni-yare), ayaa maanta xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore ee gobolkaas, haatana loo beddelay guddoomiyaha Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje).

Munaasibad loo qabtay xilwareejinta labada Guddoomiye oo ku qabsoontay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa labada Masuul si rasmi xilka ugu kala wareejiyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md Cismaan Garaad Soofe. Waxa kale oo munaasibadda ka soo qayb-galay Ku-simaha maayarka Caasimadda ahna maayar ku-xigeenka, Xildhibaanno ka tirsan labada Gole Qaran, Xoghaya gobolka Maroodijeex, masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha guddaha, saraakiil ka tirsan ciidamada booliska, salaadiin, cuqaal iyo marti sharaf kale.

badhasaabbadaWasiir ku xigeenka wasaarada Arrimaha guddaha Somaliland Md Cismaan Garaad Soofe, oo hadal ka jeediyay xafladaasi ayaa sheegay in munaasibada ay labadan masuul xilalka kula kala wareegayaan in ay tahay mid ku cusub Somaliland isaga oo tilmaamay in aanay hore munaasibad noocan oo kale ah soo marin Somaliland isla markaana ay noqonayso markii u horaysay oo badhasaab hore u shaqaynayay uu badhasaab kale oo isna hore u shaqaynayay xilka kala wareego. “Waa markii u horaysay ee aanau munaasibad noocan oo kale ah ka soo qayb galno, waayo xil wareejimihii hore u dhici jiray waxay ahaayeen iyada oo masuul cusub oo la soo magacaabay uu xilka kala wareegayo masuul hore oo xilkii laga qaaday ama la eryay, laakiin tani waa mid inagu cusub oo ay xilalka kula kala wareegayaan badhasaab hore oo gobol laga soo bedelay oo wasaaradda arrimaha hore ula soo shaqaynayay iyo masuul kale oo isna sidaas oo kale ula soo shaqeeyay wasaaradda,” ayuu yidhi Md Garaad.

Md Cismaan Garaad Soofe, ayaa sidoo kale madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo} ku amaanay isku shaandhayntii uu ku sameeyay badhasaabada dalka, taasi oo uu ku tilmaamay talaabo dawladnimo ooh ore loo qaaday isla markaana ay arrintani meesha ka saarayso qabyaaladii meeshana ay ka saartay nin jeclaysigii.

Badhasaabkii hore ee gobolka Maroodijeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje} oo hadal ka jeediyay xafladaasi ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu xilka ku wareejiyo masuul hore badhasaab uga soo ahaa gobol kale isla markaana aqoon iyo waaya aragnimo u leh xilka uu la wareegayo.

Waxa kale oo uu Md Xamarje ugu duceeyay masuulka cusub in uu Alle xilkaasi iyo masuuliyada uu qaadya u fudueeyo isaga oo shacbka ku nool gobolka Maroodijeexna ugu baaqay in ay sidii ay isaga ula shaqayn jireen iyo si ka sii fiican ula shaqeeyaan masuulka cusub ee loo soo magacaabay.

Badhasaabka cusub ee gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud Cali (Jeeni-yare) oo isna hadal ka jeediyay xafladaasi ayaa u soo jeediyay shacabka ku dhaqan gobolka Maroodijeex iyo caasimada Haragysa in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan, waxaanu tilmaamay in uu si wanaasgan oo la mid ah sidii uu badhasaabkii hore ula shaqayn jiray iyo si ka sii wanagsan ula shaqayn doono dhamaanba masuuliyiinta ay wada shaqayntu ka dhaxayso, isaga oo Eebbe ka baryey inuu u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday.

SOMALILANDPOST.NET