Badhasaab Ku- Xigeenka Gabiley oo Xabsiga u taxaabay Xoghayihii UDUB ee Gobolkaas

Gabiley (SLpost)- Badhsaab Kuxigeenka Gobolka Gabiley Cali Muxumed (Cali-Casoowe), ayaa Xabsiga u taxaabay Xogahayihii Xisbiga UDUB ee Gobolkaas Aadan Maxamed Xaaji (Aadan-Wali).

Xadhiga Badhasaab ku-xigeenka Gabiley ku xidhayXogahayihii Xisbiga Udub ee Gobolka Gabiley Aadan Wali ayaa la sheegay, in uu salka ku haya ku hayo arrin ku xidhiidhsan muran ay hore ugu murmeen dhalinayaro Maamulka Gobolka Gabiley ku howlgrliyay Munaasibaddii 18 May, taas oo markii la beddelay Badhasaabkii xilligaas Rashiid Cumar Sheekh Muxumed uu dafiray Badahasaabka ku-xigeenka oo howshaas qaabbilsanaa.

Badhasaaba ku-xigeenka Gobolka Gabile, Cali Muxumed (Cali-casoowe), oo wax laga weydiiyey xadhigga Xoghayaha Xisbiga Udub ee Gobolka Gabiley AadanWali ayaa ka gaabasadey, sida uu Weriyuhu sheegay.

Masuuliyiinta Xisbiga Udub ee Gobolka Gabiley ayaa cambaareeyay tallaabada laguxidhay Xoghayihii Xisbigaasi ee Gabiley. Isla markaana ku tilmaamay  xadhiggiisa mid aan loo dulqaadan karin oo qayrul-sharci ah.