BADHAN: Diyaaraddo Joog Hoose ku Duulaya oo Ugaadhsanaya Ugaadha Somaliland iyo Ciidanka Qaranka oo Dagaal Kala Hortagay

Hargeysa(SLpost)- Ciidanka qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay gobolka Badhan,ayaa dagaal kala hor tegay diyaarado nooca qumaatiga u kaca  ah oo ku soo xad gudbay hawada Somalilanad isla markaana si sharci darro ah u ugaadhsanayay Ugaadha Somaliland ee deegaanada Gobolka Badhan.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Badhan Kabtan Yaasiin Cismaan Saalax  iyo Maayarka degmada Badhan Cabdalle Maxamuud Faarax,  ayaa  wada jir uga hadlay duulaanka sharci darrada ah ee ay gudaha dalka Somaliland ay ku yimaadeen diyaaradahaas oo si sharci darro ah deegaannada gobolka Badhan ku soo galay isla markaana khasaare  kala duwan u gaystay Xoolaha deegaanka Gobolka Badhan.

Taliye Guray iyo Maayar Cabdalle,ayaa sidaa ku sheegay waraysi ay wada jir khadka  Telefoonka  ugu siiyeen wargeyska Dawan. Iyagoo ku sugan magaaladda Badhan.

“Diyaaradahani waa qaar Millatari oo ka soo duulaya meel aan fogayn gaar ahaan waxay ka soo dul kacayaan  maraakiibta millatariga ee  ku sugan biyaha xeebta  Soomaaliya  ee la dagaalama Budhcad-badeeda. waxaanay diyaaradahani ku duulayaan joog hoose, markaa saaka(shalay)ayaanu markii ugu horraysay la kulanay waxaanan kala hortagnay dagaal laakiin markii ay gaadiidka Ciidanka arkeen joog sare ayay ku kaceen dib ayaanay u noqdeen,”ayuu yidhi Taliyuhu.

Sarkaalkaas  oo hadalkiisa sii watay ayaa intaa ku daray. “Annagu ciidan ahaan dagaal ayaanu kala hor tagnaa, waanan ka difaacnay intaan awoodi karaynayna waanu ka saarnay laakiin wax sidaa ku tegaya maaha waana khatar taagan.  mar kastana joogta una baahan in dalka laga difaaco. waxaanan Xukuumadda dhexe ka codsanaynaa in nagala caawiyo qalab iyo gaadiidba si aanu diyaaradaha dalka uga wada saarno. Diyaaradahan waxaa wata rag Caddaan ah oo millatari ah waxaanay wataan diyaarado yar yar oo Heli kabtarro ah oo waliba ah kuwa aan daaqadaha lahayn waxaanay sitaan shabaag waawayn oo ay ugaadha ku qabanayaan oo ay khayraadka dalka ku xaalufinayaan.”

Dhinaca Kale Maayarka Degmada Badhan  oo ka hadlayay khatarta diyaaradahan  a ee gobolka Badhan ugaadhsiga sharci daradaha ku haya iyo khasaare ay xoolo nool u geysteen,waxaanu yidhi  “Maanta (shalay) ayuu ugu daran yihiin duulaanka ay diyaaradahani soo qaadeen oo mabay kala joogsan,  waxaanay markii dambe is heleen Ciidanka qaranka  oo markii gaadiidka Ciidanka qaranku ay gaadheen goobihii ay dul duulayeen ayay dib ug noqdeen korna u fogaadeen oo joog sare ku duuleen. waxaa kale oo ay maanta(shalay) geysteen khasaare duunyeed oo xoolo ayay saaka (shalay)waabarigii dileen taasoo sababtay in geelal xeraysnaa oo ay si hoose  dushooda u mareen ay dideen kuna jajabeen didistii,markaa xukuumadda waxaanu ka codsanaynaa in ay gurmad deg deg ah ku soo gaadho deegaankan diyaaraduhu ugaadhiisii xaalufinayaan.”

Dhinaca kale nin geella shalay subax diyaaraduhu didiyeen lahaa ayaa sheegay in geeliisa khasaare xoolaad uu soo gaadhay islamarkaana ay qaleen dhawr neef ka dib markii ay ku jajabeen guuxii diyaaraha jooga hoose ku duulayay ay dul mareen.