Bacihii oo Gabaabsi Ku Noqday Somaliland Iyada Oo Aan Wali Wax Lagu Badalo la Helin

 

Hargyesa(SLpost)-Guud ahaa wakhtigan waxa laga dareemayaa gabaabsiga noocyadii kala duwanaa ee bacaha lagu adeegan jiray inta badan gobalada Somaliland.

dhawaan ayay ahayd markii ay dhamaatay wakhti 120 casho ah oo ay xukuumaddu u qabatay in ay ku dhamaadaan bacaha kayd ahaan dalka u yaalay, iyada oo aan la soo dajinayan baco cusub. hadaba waxa wakhtigan muuqata sida aadka u saraysa ee loogu baahaday bacihii adeega loo isticmaali jiray iyo habsanka ku dhacay waxyaabihii lagu badli lahaa oo aan suuqa soo wada galin.

11951036_897229990324698_1715539430_nmaheradaha kala duwan ee Hargeysa ayay wakhtigan adagtahay sida ay bac kaaga iibiyaan ama alaab aad ka iibsatay ay kuugu ridaan,waxaana intooda badan ay ka baqayaan in lagu ganaaxo amaba lagu xidho.

Caasha Cali oo meherad tukaan ah ku haysata Hareysa ayaa dareenkeeda arintan ku saabsan iyada oo la wadaagaysa shabakada Somalilandpost waxa ay tidhi “Bacihii hada waabay iska dhamaadeen, waxii sii yaalayna baqdin dawlada laga qabo ayaan loo isticmaalayn, walina suuqa ma yaalaan ama may soo wada gaadhin wax lagu badalo oo adeega lagu qaato, dadkuse way iska baran doonaan waxyaabe kale oo ay alaabooyinooda ku qaataan.”

bacaha oo lagu adeegan jiray yaa dhibaato xoogan ku hayay deegaanka, xoolaha iyo bilicda magaalooyinka, waxaan inta badan aad loo arkaa iyaga oo dhirta ku qariyay muuqaal fool xun magaalooyinka.

11880918_891848780862819_926949954_n

Hargeysa Somalilandpost