Baaxadda Taageero ee Xisbiga Kulmiye ku haysto Gobollada Dalka iyo Sawirka Wasiir Cukuse soo bandhigay

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maanta khudbad ka jeediyey Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee Hargeysa oo taageerayaasha Kulmiye cudud ballaadhan ku muujiyeen, ayaa soo bandhigay taageerada uu Xisbiga Kulmiye ka haysto Gobollada iyo Degmooyinka dalka.

Wasiir Cukuse waxa uu sheegay Xisbiga Kulmiye taageerada ugu badan gobollada dalka isla markaana uu hantay quluubta shacabka intii aan markii hore taageersanayn muddadii uu socday Ololaha Xisbiyadu oo uu sheegay inay kala qiimeeyeen miisaanka Xisbiyada doorashada ku tartamaya.

HADDABA HOOS KA DAAWO HADALKA WASIIR CUKUSE