Baasaboorka Cusub ee Somaliland oo habsami looga qaato xafiiska Socdaalka Somaliland

Hargeysa, (SLpost)- Masuuliyiinta waaxda Socdaalka Somaliland ayaa beeniyey warar maalmahii u dambaysay warbaahinta gudaha qaarkood qorayeen oo sheegayey inuu cilad u fadhiyo mishiinka lagu daabaco samaynta macluumaadka baasaboorka cusub ee Somaliland oo lacag malaayiin Dollar ahi ku baxday.

Wararka lagu daabacay warbaabinta dalka ee la xidhiidha hakadka la sheegay inuu ku yimi qaadashada Baasaboorka cusub waxa lagu sheegay inay cilladi ku timi mishiinka lagu sameeyo Baasaboorka Somaliland ee E-Passport, isla markaana culays badan ka qabsatay muwaadiniin dano kala duwan ugu baahday qaadashada baasaboorka oo dhinaca caafimaadka ugu baxay dibadda.

baasaboor SlandWarkan oo  aanu ka helnay saraakiil ka tirsan Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland oo codsaday in magacooda la xuso sababo la xidhiidha inaanay awood u lahayn ama aanay fasax u haysan la-hadalka saxaafadda, ayaa noo xaqiijiyey inay dadweynaha ciddii buuxisa shuruudaha looga baahan yahay qaadashada Baasaaboorku ay maalin kasta si joogta u qaataan.

Dhinaca kale, weriyeyaal ka tirsan Wargeyska Himilo, ayaa shalay la kulmay dhowr qof oo Laanta Socdaalak Somaliland ka soo qaatay Baasaboorka Cusub ee E-Passport Somaliland, kaddib markii ay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa, waxaanay sheegeen inaanay wax dhibaato kala kulmin qaadashadiisa marka laga yimaaddo Imtixaanka ay u mareen qaadashadiisa.

SOMALILANDPOST.NET