Baarlamanka Ingiriiska oo Somaliland ku soo Daray Dood-Xaasaasi ah oo shalay Dhexmartay Mudaneyaasha Golahaas

London  (SLpost)- Baarlamanka Dalka Ingiriiska oo shalay ka doodayey shuruucaha ku habboon in lagu dabbakho gar-gaarka dalkaasi siiyo dalalka dibadda xilliyada ay dhibaatooyinku dhacaan, ayaa waxa dooddiisa ku soo qaaday Somaliland Mudane ka tirsan golahaas oo lagu magacaabo Edward Leigh.

Xildhibaan Edward Leigh waxa uu soo jeediyey in layareeyo caqabadaha horyaalla gargaarka bani’aadminimo ee la siiyo waddamo Somaliland ku jirto, isaga oo ku dooday in la kala saaro siyaasadda iyo badbaadinta bani’aadamnimada.

UK-Parliament-debate-SyriaBaarlamaanka Ingiriiska oo shalay ka doodayey xeerka wasaaradda gargaarka caalamiga u qaabisan Ingiriisku ku shaqeyso, ayaa Xildhibaan Edward Leigh oo ah mudane ka tirsan xisbiga talada haya (Conservative) sheegay in hawsha wasaaradda loo baahan yahay ay u socoto si xawli u socoto.

Mr. Leigh oo ka hadlayey, ayaa yidhi, “Gargaarka bani’aadminimo oo ah shaqada wasaaradda gargaarka caalamiga waa inay xawli u socotaa, isla markaana wasiirku waa inuu talaabo u qaado keliya isagoon eegayn in la buuxiyey shuruudaha ku xidhan, balse sababtoo ah waxa lagu badbaadinayaa nolosha dadka.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Farqada 2 ee xeerkani waxay sheegaysaa ‘Ka hor intaan la bixin gargaar, wasiirku waa inay hubisaa ku haboonaanshaha shuruucda, iyadoo qorshaha ku darsanaysa inaanay jirin faraq lab iyo dhedig (dheeli-tir) oo ka jira dadka ay dhibaatadu saamaysay ama u baahan gargaarka.”

Mr. Leigh ayaa doodiisa ku soo xidhay, “Dhab ahaan Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa sidaa samaynaya. Waxay noqonaysaa foolxumo, hadii dhibaato ka dhacdo dalka Congo, Somaliland ama meel kale, isla markaana ku ogolaado bixinta gargaarka qaab aan cidna waxba u tareyn.

Markuu la tacaalayo dhibaato noocaa oo kale ah, ma jecli in in shaqaale dawladeed is-hordhigo waraaqo, sabab ah inuu buuxiyo shuruudaha xeerkani farayo, taasoo muuqanaysa inaan marnaba la buuxin Karin.

XIGASHO: Wargeyska HIMILO