Baarlamanka Burundi Oo ka Shiray Ciidamada Midawga Afrika Doonayo inuu Dalkeeda Geeyo

Burundi(SLpost)-Baarlamaanka dalka Burundi ayaa maanta yeelanaya dood ku saabsan waxa ay ka yeelayaan go’aanka Midowga Afrika ee uu dalkaasi ugu dirayo ciidamo nabad ilaalin oo dhowri doona ammaanka dadka rayidka ah.

Xukuumadda Bujumbura ayaanan war rasmi ah ka soo saarin arrinta balse waxa ay muujisay sida ay uga caraysan tahay go’aanka Midowga Afrika.

Hasayeeshee Midowga Afrika ayaa ugu dambeyn berri oo Talaada ah ka doonaya xukumadda Burundi in ay bixiso ogolaanshaha ciidammadani lagu gaynayo dalkaasi.

Qaadacaad

Warar kala duwan oo ka soo baxay saraakiisha Burundi ayaa lagu muujiyay sida ay uga soo horjeedaan in ciidammo shisheeye la geeyo dalkooda.

Ku xigeenka afhayeenka dowladda oo ka hadlay go’aankiisa shakhsiyadeed ee ku aadan arrinta ciidammadani, ayaa waxa uu sheegay in go’aankaasi aan la ogolaan karin, islamarkaana ay u qaadanayaan duulaan dalkooda lagu soo qaaday haddii Midowga Afrika uu ciidamo dalkaasi u soo diro iyada oo aan ogolaansho laga haysan xukumadda Bujunbura.

Balse hindisahaasi Midowga Afrika ayaa si dhab ah loo qaatay Burundi, waxa ayna gaartay heer golaha baarlamanka dalkaasi la isugu yeero kalfadhi ay arrintani uga doodayaan, maadaama loo arko in ay taabanayso madaxbanaanida dalka, waxaase ilaa haatan la ogayn go’aanka uu qaadan doono baarlamanka.

Go’aan gaarid

Midowga Afrika ayaa sheegay in uu Burundi u dirayo ciidamo nabad ilaalin ah oo gaadhaya ilaa shan kun oo askari.

Ciidamadaasi ayaa muddo lix bilood ah waxa ay ka shaqayn doonaan ilaalinta amniga dadka rayidka ah.

Burundi ayaa loo qabtay in muddo afar maalmood gudahood ay ku ogolaato qorshahaasi, iyadoo maalinta berri ah ay tahay marka ugu dambeysa ee laga doonayo in ay go’aankeeda ku soo gudbiso.

Arrinta muuqato ayaa waxa ay tahay in dowladda ay ka dhursugayso natiijada ka soo baxda doodda baarlamanka ee maanta ka hor inta aanay si rasmi ah uga hadlin go’aankeeda.