Baarlamaanka Soomaaliya oo ku Mudaharaaday Madaxweyne Farmaajo iyo Jewiga Fadhigii Maanta ee Golaha

 

Hargeysa (SLpost)- Buuq iyo Sawaxan khal-khal abuuray, ayaa ka dhashay kulan maanta ku qabsoomay Aqalka baarlamaanka Soomaaliya, halkaas madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Faraajo khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa ugu jeediyey mudaneyaasha laba aqal ee dalkaas.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi (Farmaajo) oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamanka, waxa uu si weyn uga hadlay arrimaha doorashooyinka ee la filayo in dhammaadka sannadkan iyo bilowga sanadka soo socda ay ka dhacdo dalkaas.

Maxamed Cabdilaahi Farmaajo intii uu ku gudo-jiray khudbaddiisa, waxa uu ku dooday in dowladda uu hoggaamiyo ay dooneyso in ay qabato doorasho waqtigii loo asteeyay ku dhacdo, islamarkaana ka beddalan kuwii horay dalkaas looga qabtay.

Inkastoo madaxweyne Farmaajo khudbadiisii uu wax badan kusoo qaaday, haddana waa tii ugu dembeysay uu Kalfadhi furmayo uu Baarlamanka ujeediyo inta hadda lagu guda jiro muddo xileedkiisa dhammaadka ku dhow.

Hase-ahaatee, gunaanadkii khudbaddiisa, waxa uu la kulmay buuq ka dhashay gudaha Aqalka, iyadoo mudaneyaasha qaarkood qaylo iyo foodhi ka dhex-bilaabeen Golaha maadaama xubnaha mudanayaasha qaarkood aanay la dhacsanayn hannaanka geeddi socodka dowladda uu hoggaamiyo, taas oo sababtay in muddo 10 daqiiqo hakad la geliyo khudbadda Farmaajo.

Mucaaradka dalkaas ayaa aaminsan in qaabka dowladdiisu wax u waddo lagu gaadhi karin in dalka looga qabto doorasho qof iyo cod ah, walow Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka ay weli ku dhiirranyihiin in Soomaaliya doorasho shacabka ay codeeyan laga hirgelin karo.

Arrinta maanta ka dhacday Aqalka Baarlamaanka, ayaa muujinaysa sida aanay dowladda Farmaajo kalsooni uga haysan Xildhibaannada Barlamaanka oo iyagu metela shacabka ku dhaqan gobollada dalkaas, waxaanay tani laf-jab ku noqonaysaa inuu mar kale hungureeyo hoggaaminta dalkaas.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net