Baarlamaanka Somaliya Oo Meelmariyay Xeerka Saxaafada Somaliya

Muqdisho(SLpost)Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa maanta meel-mariyay Sharciga Saxaafadda Dalka, kaddib kulan ay Muqdisho ku yeesheen, iyadoo sharcigan muddo ay xildhibaannadu ka doodayeen.

Kulankii baarlamaaka ee maanta oo ay goobjoog ka ahaayeen 142 xildhibaan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo meel-marin lahaa sharciga lagu dhaqi doono saxaafadda Soomaaliya.

Dood kaddib ayay xildhibaannada baarlmaaanku waxay codka taag ahaa u qaadeen meel-mariyay sharciga saxaafadda dalka, iyadoo ay ogolaadeen 139-xildhibaan, iyadoo ay ka aamuseen saddex xildhibaan, iyadoo aysan jirin xildhibaanno, sida uu codeynta kaddib ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaar.

“Codka loo qaaday sharciga Saxaafadda dalka natiijadiisu waxay noqotay, 139-xildhibaan oo ogolaaday iyo saddex xildhibaan oo ka aamusay, mana jirin xidlhibaanno diiday, sidaa daraadeed sharcigan waa mid ansax ah,” ayuu yiri Prof. Jawaari oo natiijada shaacinayay.

Wasiirka warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kulanka goob-joog ka ahaa ayaa xildhibaannada baarlamaanka Somalia uga mahad-celiyay sida ay u ansixiyeen sharciga saxaafadda dalka.

Ugu dabmeyn, guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari ayaa mas’uuliyiinta wasaaradda warfaafinta Somalia ku boorriyay inay dhaqan-geliyaan sharciga saxaafadda dalka. Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay oo saxaafadda Somalia ay yeelato Sharci lagu maamulo, iyadoo horay aysan u jirin sharci haga Saxaafadda Somalia ka Hawl-gasha Soomaaliya.