Baarlamaanka Ruushka oo cod Aqlabiyad ugu Codeeyey Ciidamo lagu Daad-gureeyo UKRAINE iyo Digniin Madaxweynaha Maraykanku ujeediyey oo Khilaaf hor dhalisay

Moscow (SLpost)- Baarlamanka Ruushka ayaa maanta ogolaaday codsi madaxweynaha dalkaasi Vladimir Putin kaga dalbaday in ciidamo ka tirsan milatariga dalkaas lagu daad-gureeyo gobolka Crimea ee dalka Ukrain oo qalalaase siyaasadeed ku jira, ka dib markii todobaadkii hore talada laga tuuray madaxweynihii hore ee Ukraine, Viktor Yanukovych.

Tallaabada Baarlamanka Ruusku ugu ogolaaday cutubyo ka tirsan milatariga dalkaas in lagu daad-gureeyo gudaha dalka Ukrain, ayaa meesha ka saartay digniino madaxweynaha Maraykanka iyo hoggaamiyeyaasha reer Galbeedka qaarkood ugu jeediyeen xukuumadda Moscow inaanay wax faro-gelin ah ku samayn dalka Ukraine.

RUUSKABaarlamanka Dalka Ruushku waxa ay ka dalbadeen Madaxweyne Putin inuu dib ugu yeedho Safiirka Ruushka u fadhiya Maraykanka ka dib markii madaxweyne Obama uu si badheedh ah ugaga digay Ruushka cawaaqib-xumo ka dhalan karta faro-gelin milatari oo lagu sameeyo Ukrain.

Go’aanka uu gaadhay Aqalka Kremlin-ka ayaa ku soo beegmay iyada oo ay badi la wareegeen gacanta ku-haynta gobolka Crimea ciidamo Ruush ah iyo Xoogagga taabacsan ee ku sugan gudaha Crimea oo ah gobol ka tirsan UKrain balse Gacanta dalka Ruushka ka baxay sannadkii 1954-kii, balse dadka ku nool badankoodu ay yihiin muwaadiniin Ruush ah.

Cutubyo ka tirsan Milatariga Ruush oo aad u hubaysan xaruntoodu tahay magaalo-xeebeedda Sevastopol ee gobolka Crimean, ayaa la wareegay gacanta ku-haynta goobaha muhiimka ah ee gobolkaas maalmihii u dambeeyey, waxaana tallaabada uu Ruushku ku faro-geliyey gobolkaas ka dambeeyey codsi uu shalay Jimcihii hoggaamiyaha cusub ee loo doortay Crimea kaga dalbaday dawladda Ruushka inay ku caawiso ciidamadeeda si ay u sugaan ammaanka gobolkaas.

PutinSergei Aksyonov oo loo cumaamaday Reysal-wasaaraha Jamhuuriyada Crimea ka dib markii Xoogag hubaysani la wareegeen xarunta baarlamaan-goboleedka, ayaa shaaciyey inay ammaanka gobolkaas la wareegeen cutubyo ka tirsan milatariga Ruushka oo saldhiggoodu yahay magaalada Sevastopol ee dalka Ukrain.

Codsiga Madaxweyne Putin u gudbiyey Aqalka Sharci-dejinta lagu faahfaahiyey tirada ciidamada iyo haddii la qorsheeyey in lagu daad-guraynayo gobollo kale oo ka tirsan Ukrain. Laakiin, waxa la shaaciyey in go’aanka madaxweynaha Ruushka ay ku jirto inay Ciidamadiisu ku sugnaan doonaa dalkaas ilaa inta la dejinayo xaaladaha siyaasadeed iyo bulsho.

Sidoo kale, codsiga madaxweyne Putin ayaa gun-dhig looga dhigay in lagu bad-baadiyo nolosha muwaadiniinta Ruush ee ku nool gobolka Crimea iyo saldhigga Milatari ay ku leeyihiin magaalo-xeebeedda kulaalaysa Badda Madow ee Sevastopol.

Afhayeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Ruushka Valentina Matvienko, ayaa go’aanka ay qaateen ku tilmaantay mid ka tarjumaya xaalad lagu bad-baadinayo qaranimada dalkaas.

“Waa go’aan madaxweynuhu leeyahay,” ayay tidhi haweenaydani, waxaanay intaas ku dartay, “Kama tagi karno, waxaanu ku dabakhnay xaaladda maanta jirta.”

Haweenaydani waxa ay sheegtay inay madaxweynaha dammaanad u siiyeen inuu qaado tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo muwaadiniinta Ruushka ee ku nool gobolka Crimea iyo Saldhiggooda Milatari. “Iskama Indho-tiraynayo xaaladda ay ku sugan yihiin muwaadiniin Ruushka,” ayey tidhi, iyada oo tix-raacayso warbixino lagu sheegay inay ka jiraan gudaha dalka Ukrain Iska-hor imaadyo isir-nacayb ah oo lagu bartilmaameedsanayo dadka u dhashay Ruushka.

Xasilooni-darrada ka jirta Crimea ayaa kor u qaadday suurta-galnimada inuu kala qaybsamo dalka Ukrain oo dawladdiisa cusub ee loo doortay la tacaalayso inay xaaladda dib ugu soo celiyo sideedii hore, ka dib markii todobaadkii hore talada dalkaas xoog lagaga tuuray madaxweynihii hore Viktro Yanukovych.

Dhinaca kale, reysal-wasaaraha cusub ee Ukrain loo doortay Arseniy Yatsenyuk, ayaa ku tilmaamay xaaladda ka socota dalkiisa mid loogu talo-galay in dano milatari laga fushado, waxaanu dalbaday inay milatariga Ruushku ku laabtaan saldhiggooda ay ku leeyihiin magaalada  Sevastopol.

“Joogitaanka Ciidamada Ruushku kama dhigna wax aan ka hayn xad-gudub lagula kacay heshiiskii lagu ogolaaday inay cutubyo ka tirsan Milatariga Ruushku ay saldhig ku yeeshaan Ukrian,” sidaa waxa yidhi Reysal-wasaaraha Ukrain oo u warramay wakaaladda wararka ee Interfax.

Digiinaha Reer Galbeedka

Maraykanka iyo waddamada Yurub qaarkood ayaa mar dambe ku baraarugay ujeeddooyinka milatari ee Ruushku ka leeyahay Ukrain, waxaanay ka digeen cawaaqib xumo ka dhalata farogelin milatari oo lagu sameeyo Ukrain oo wakhtigan la tacaalaysa dhaqaale-darro iyo taageero dhaqaale oo ay ka hesho dalalka reer Galbeedka.

Barack ObamaMadaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ku tilmaamay faro-gelinta milatari ee Ruushku ku sameeyey dalka Ukraine mid xad-gudub ku ah shuruucda caalamiga.

“Xad-gudub kasta oo lagula kaco madax-bannaanida iyo Xuduudaha Ukrain waxa ay horseedaysaa xaalad ammaan-darro,”sidaa waxa lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay Aqalka Cad ee Maraykanka.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Faransiiska, ayaa ku baaqay in la hakiyo dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ka socday Crimea, isaga oo ku dooday in arrimaha cirka isku sii shareeray ay u sii gogol-xaadhayaan inuu kala qaybsamo dalka Ukraine. “Faransiisku waxa uu aad uga war-warsan yahay wararka ka imanaya Crimea ee muujinaya dhaq-dhaqaaqyada muuqda ee Milatari,” sidaa waxa lagu yidhi war-murtiyeed ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska Laurent Fabius.

Sidoo kale waxa arrintan ka hadlay Wasiirka dalka Portugal u qaabilsan Midowga Yurub Bruno Maçães, kaas oo carrabka ku dhuftay in Xukuumadda Moscow looga baahan yahay inay faraha kala baxdo Xuduudaha dalka Ukraine.

Xaaladda siyaasadeed eee wakhtigan ka aloosan dalka Ukraine, ayaa u muuqata mid soo noolaynaysa is-maandhaafka dhinaca awoodaha iyo dibloomaasiyadda Adduunka ee quwadaha Reer Galbeedka iyo Bariga, iyada oo dalka Ukraine oo hore uga tirsanaan jiray Midowgii Soofiyeeti uu xilligan xidhiidho dibloomasiyadeed la leeyahay waddamada reer Galbeedka oo qaarkood danaynayaan inay ka samaystaan saldhigyo milatari.

SOMALILANDPOST.NET