Baarlamaanka Jarmalka oo u codeeyay in ciidamo Gaadhaya 20-Askari iyo Khuburo Dhanka Milatariga ah loo diro S oomaaliya

Jarmalka(SLPOST)Baarlamaanka dalka Jarmalka ayaa shalay si rasami ah ugu  codeeyey in tabobarayaal militari loo diri karayo Soomaaliya kadib markii hindise noocaasi ay horkeentey baarlamaanka xukuumadda dalkaasi, ciidamadda Jarmalka oo ka mid ahaa barnaamijka tabobarka ciidamadda Soomaaliya ee Midoowga Yurub ayaa shaqaynayay illaa sanadkii 2010-kii,

German-parliament-OKsgarm

balse tabobarkaasi waxa uu ka dhacayay dalka Uganda, haatana waxaa loo sooraray magaalada Muqdisho, waana taasi tan codka loo qaaday in Soomaaliya la geyn karayo.

Ciidamada uu baarlamaanka dalka jarmalku ogolaaday Waxay ka koobanyihiin 20 tabobarayaal iyo khuburo xagga militariga ah oo iyagu bixinaya talooyin xagga ciidanka ah,waxayna imikana kadib fasax u heystaan inay si buuxda howshooda u gudagalaan amaba ay bilaabaan hawlaha loo xilsaaray.

Illaa 3600 askari oo Soomaali ah ayaa ka faa’iideystey barnaamijka tababarka midoowga Yurub,waxaana dhawaan uu midowga yurub ogolaaday in saraakiisha ka socota dalaka midowga yurub ee qaabilsan tababarka ciidamada dowladda soomaaliya laga soo raro dalka ugandha lana geeyo gudaha soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland