Baarlamaanka Ingiriiska Oo Su’aalo Somaliland Ku Saabsan Lagu Weydiiyay Wasiirul Dawlaha UK Ee Afrika

Tobias Ellwood, United Kingdom parliamentary Under Secretary of State speaks during a U.N. Security Council meeting, Friday, Sept. 19, 2014, at the United Nations Headquarters. The Security Council met to discuss the situation of The Islamic State group in Iraq. (AP Photo/Julie Jacobson)

(SL.Post) Fadhigii aqalka baarlamaanka Ingiriiska 17 Oktoobar, ayaa waxa su’aalo ku saabsan Somaliland lagu weydiiyay wasiirul dawlaha Afrika iyo bariga dhexe u qaabilsan wasaasaradda arrimaha dibadda Ingiriiska Md. Tobias Ellwood.

Tobias Ellwood, United Kingdom parliamentary Under Secretary of State speaks during a U.N. Security Council meeting, Friday, Sept. 19, 2014, at the United Nations Headquarters. The Security Council met to discuss the situation of The Islamic State group in Iraq. (AP Photo/Julie Jacobson)
Tobias Ellwood, United Kingdom parliamentary Under Secretary of State speaks during a U.N. Security Council meeting, Friday, Sept. 19, 2014, at the United Nations Headquarters. The Security Council met to discuss the situation of The Islamic State group in Iraq. (AP Photo/Julie Jacobson)

Xildhibaan Stephen Doughty oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska oo aad u taageera qaddiyadda Somaliland, ayaa wasiirka weydiiyay su’aalo ku saabsan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya iyo weliba shirka nabadeed ee Madaxweyne Siilaanyo u fidiyay beelaha gobalada Sool iyo Sanaag-bari.

Su’aalaha iyo jawaabaha oo aanu idiin soo turjunay waxa u dhignaayeen sidan:-

Stephen Doughty: Waxaan Wasiirul-dawlaha arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka weydiin lahaa, door noocee ah ayaa ay xukuumaddu qorshaysay in ay ka qaadato, gacan ka geysashada fududaynta dib u bilowga wada xaajoodkii Somaliland iyo Soomaaliya doorashooyinka madaxweynaha ee bisha March 2017 kadib.?

? Tobias Ellwood: Dawladu waxay ogtahay ahmiyada wada hadalka Somaliland iyo Somaliya oo ay hadda fududaynayso dawladda Turkigu, waxaanan rajaynaynaa in dib loo bilaabo marka doorshada Somaliland ee madaxtooyada iyo Baarlamanka laga gudbo, isla markaana geeddi-socodka doorashada Soomaaliya la qabto.

Mawqifka dwaladda Ingiriiska ee Somaliland wuxuu muddo dheer ahaa inay u taalo Somaliland iyo Somaliya inay go’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda iyo inay dalalka jaarku hoggaamiyaan aqoonsiga qaab kasta oo cusub.

Stephen Doughty: Waxaan wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka, weydiin lahaa, maxaa qiimayn ah ee uu ku sameeyay hawlaha dib-u-heshiisiinta ee ay dawladda Somaliland ka dhex waddo bulshooyika gobalada Sool iyo sanaag ee Somaliland, maxaase’ taageero ah ee ay dawladdu ka gaysanaysaa gacan-qabashada dadaalladaas.?

?Tobias Ellwood: Dawladda Ingiriisku way soo dhawaynaysaa wada hadalka dhowaan u bilowday dawladda Somaliland iyo wakiillo ka socda goballada bari ee Sool iyo Sanaag. Waa hannaan ay Somalidu hoggaaminayso oo ay Somalidu leedahay kaas oo aanu rajaynayno inay natiijadiisu noqoto, xal siyaasi ah oo loo dhan yahay, iyo xasiloonida gobalka oo la xoojiyo. 16kii September, annaga oo kaashanayna saaxiibadeena caalamiga ah, waa aanu soo saarnay war-murtiyeed aanu madaxweynaha Somaliland ugu baaqayno in uu si degdeg ah u dejiyo geeddi socod cad, oo waqtiyeysan oo arrintan lagaga gungaadhayo.

 

 

Somalilandpost.net