Baarlamaanka Ingiriiska oo ka hadlay Qaddiyadda Madax-bannaanida Somaliland iyo Go’aankii ka soo baxay Golaha Deegaanka Sheffield

London (SLpost)- Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa shalay laga soo jeediyey in Xukuumadda dalkaasi kaalin weyn ka qaadato sidii ay beesha caalamka uga dhaadhicin lahayd aqoonsi caalami ah oo Somaliland hesho, isla markaana waxa la soo jeediyey in Salaasada toddobaadkan su’aalo ku saabsan meel-marinta aqoonsiga Somaliland la weydiiyo Xoghayaha arrimaha dibedda ee dawladda Britain.

warka labaadWakiilka Baarlamaanka u metela Xukuumadda Ingiriiska, ayaa sheegay inuu qabo, isla markaana uu soo jeedinayo in su’aasha ku saabsan aqoonsiga madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland la weydiiyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dawladda Boqortooyada Ingiriiska, si uu uga jawaabo aragtida Xukuumaddu ka qabto tallaabada ay Arbacadii aqlabiyadda ku ansixiyeen Golaha Deegaanka magaalada Sheffeild oo si buuxda u taageeray aqoonsi ay Somaliland hesho.

Xildhibaan Paul Blomfield oo ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha Ingiriiska, lagana soo doorto magaalada Sheffield oo ka hadlay aqalka Odeyaasha Ingiriiska, ayaa sheegay, “Arbacadii, ka dib qaraar ay ansixiyeen Golaha Deegaanka Sheffield, oo noqday magaaladii ugu horreysay ee taageerta aqoonsi caalami ah oo Somaliland hesho, shacabka Somaliland-na ay sameeyeen horumar ballaadhan, Baarlamaan iyo garsoor  Mdax-bannaan. Miyaanay habboonayn inaan ka doodno sidii Xukuumadda Ingiriisku wax badan uga qaban lahayd inay ku dhiirriso beesha caalamka, si loo helo aqoonsiga Somaliland?”

Xildhibaan Andrew Lansley oo ah Wakiilka Xukuumadda Ingiriiska ee aqalka Odeyaasha, oo ka jawaabayey soo jeedinta Xildhibaan Blomfield, ayaa yidhi; “Dhab ahaan, waan la socdaa arrinka uu Xildhibaanku ka dhawaajiyey. Waxaan qabaa inuu haysto fursad uu ku weydiiyo Wasiirrada, wakhtiga su’aalaha Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka Salaasada soo socota. Sidoo kale, Xildhibaannada xiisaynaya Somaliland iyo Soomaaliya, dhinaca kale, gaar ahaan waan soo dhoweynayaa horumarka Somaliland ku tallaabsatay sanmadihii u dambeeyey.”

Su’aashan ku saabsan ictiraafka Somaliland ee shalay lagu soo qaaday Baarlamaanka Ingiriiska iyo jawaabaha laga bixiyey, ayaa ka dhigan mid qaraarkii Sheffield saamayntiisii wakhtigan muuqanayso, iyaga oo Xildhibaannada Golaha Deegaanka magaalada Sheffeild ay Arbacadii inna dhaaftay si aqlabiyad ah u ansixiyeen in Xukuumadda Ingiriisku taageert aqoonsi caalami ah oo ay Somaliland hesho, iyaguna ay si buuxda u taageersan yihiin in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET