Baarlamaanka Canada Oo Bilaabay Olole Dhaqaale loogu ururinayo Suuqa Waaheen iyo Somaliland oo ka hadashay

“Waxa aan dawladda u gudbin doonaa su’aal qoraal ah oo ku saabsan Xidhiidhka Canada iyo Somaliland iyo taageerada dib u dhiska Suuqa Hargeysa”

Ottawa (SLpost)- Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Dalka Canada, ayaa kulan la qaatay isbahaysi ay ku midoobeen jaaliyadda Somaliland oo ku hawlan taageerada dib-u-dhiska Suuqa Waaheen oo ku shuf-beelay dab xooggan oo qabsaday suuqaas 1-dii bishan April.

Guddigan oo lagu magacabay Isbahaysiga Canada ee Dib-udhiska Suuqa Waaheen, ayaa shalay iyo maanta kulamo kala duwan la qaatay Xildhibaan Marie-France Lalonde iyo mudane Garnett Genuis oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Canada.

Xildhibaan Marie-France Lalonde oo laga soo doorto magaalada Orléans oo ka tirsan Gobolka Ontario, ayaa Salaasadii shalay kulan qaadatay Guddi ka kooban Jaaliyadda Somaliland iyo muwaadiniin u dhashay dalka Canada, kuwaas oo isu-xil-qaamay olole taageero dhaqaale loogu ururinayo dib-u-dhiska Suuqa Waaheen.

Waxa ay xildhibaanku sheegtay inay arrimo muhiim ah oo ku saabsan taageerada dib-u-dhiska Suuqa Waaheen kaga hadleen kulankaas, sida ay ku sheegtay qoraal ay ku baahisay barteeda Twitter-ka.

“Sharaf bay ii tahay inaan la kulmo madaxda jaaliyadda Somaliland oo aan ka-wada-hadalnay Caqabada soo wejahay Somaliland kaddib gubashadii Suuqa Hargeysa,” sidaas ayay tidhi xildhibaan MF Lalonde oo intaas ku dartay inay arrimo muhiim ah ka-wada-hadleen Guddiga Canadian Alliance to Rebuild Hargeisa Market.

Sidoo kale, Xildhiban Garnett Genuis oo maanta la la kulmay Guddiga jaaliyadda Somaliland ee isu-xil-qaamay taageerada dib-u-dhiska Suuqa Waaheen, ayaa ballan-qaaday inuu Dowladda Canada u gudbin doono warbixin ku saabsan xidhiidhka labada waddan iyo sidii Dowladda dalkaasi uga qayb-qaadan lahayd taageerada Dib-u-dhiska Suuqa ugu weyn Somaliland.

Mudane Garnett oo laga soo doorto degmada Sherwood Park ee gobolka Alberta, ayaa arrintan kaga hadlay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka.

“Sharaf bay ii ahayd inaan la kulmo Guddiga Dib-u-dhiska Suuqa Hargeysa. Waxa aan dawladda u gudbin doonaa su’aal qoraal ah oo ku saabsan Xidhiidhka Canada iyo Somaliland iyo taageerada dib u dhiska Suuqa Hargeysa,”sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Garnett.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Keyd, ayaa bogaadiyey Guddiga Jaaliyadda Somaliland ee Canada ee dalkaas ka bilaabay ololaha dhaqaalaha loogu ururinayo dib-u-dhiska Suuqa Waaheen.

Dr Ciise Keyd oo ah muwaadin haysta dhalashada dalka Canada, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan uga mahad-celinayaan dowladdaCanada taageerada dib-u-dhiska Suuqa Waaheen.

“Waxaan aad ugu hanweynahay jaaliyadaha reer Somaliland ee hormuudka ka ah qaadhaan ururinta. Waan ka mahadcelineynaa taageerada Canada,” sidaas ayuu Wasiir Ciise Keyd ku yidhi qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net