Baaqaygu waa habarooran Aakhiro – W/Q: Guuleed Cumar Madar (Q.2aad)

guuleed cumar MadarWaan ku ogahay! waad daashay, waad dhibtootay , waxa aad ka murugaysantahay toloow maalinta gabgabada aduunka maxaad alle(S.W.T) kala kulmi ,Ilaahay(S.W.T) waxa uu jecelyahay inaad xasuusnaato mar walba , aad samayso waxa uu ku faray , kana tagto waxa uu kaa xaarraantimeeyay,balse xaqqiiqada aadanuhu waa mooganaan.
Waxa uu dhex dabbaalanayaa xumaan badatay waqtigiisa intiisa badan , isaga oo mararka qaarkood u haysta inaanu samaynayn wax loo qabsan doono maalinta gabagabada aduunka .
Waxba ha isku mashquulin wixii tagay ,maanta uun ma lagaa helayaa go’aan adagg oo maalinta gabagabada aduunka dadka faraxsan aad dhinacooda ku ahaato.Haddii ay tahay jawaabtu haa ! waxa aad dhugataa maqaalkan oo aynu qoraalkiisa ku qaa-daa dhigi doono sida alle (S.W.T) loogu tawbadd keeno, dambi dhaafna looga tuugo. waxa jira axaadiis farro badan oo uu nabigeenu (N.N.k,H) inoogu faahfaahiyay tawbadda iyo macneheeda. ilaahay (S.W.T) waxa uu qur’aankiisa ku xussay في : سورة التحريم:” يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا تُوبُوا إِلَى اللَّهِ تَوْبَةً نَصُوحًا عَسَى رَبُّكُمْ أَنْ يُكَفِّرَ عَنْكُمْ سَيِّئَاتِكُمْ وَيُدْخِلَكُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِنْ تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ يَوْمَ لَا يُخْزِي اللَّهُ النَّبِيَّ وَالَّذِينَ آَمَنُوا مَعَهُ نُورُهُمْ يَسْعَى بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَبِأَيْمَانِهِمْ يَقُولُونَ رَبَّنَا أَتْمِمْ لَنَا نُورَنَا وَاغْفِرْ لَنَا إِنَّكَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِير “. ” kuwa xaqa rumeeyoow u toobadd keena Eebe toobad san, wuxuu Eebe u dhawyahay inuu asturo xumaantiina, idin galiyana janooyin ay dureerayso wabiyaal, Maalinta uu san Eebe hoojinayn Nabiga iyo kuwa lajooga, nuurkooduna wuxuu socon hotrooda iyo midigtooda iyagoo dhihi: Eebaw noo taam yeel nuurkaaga, noona dambi dhaaf adaa wax walba awoodee” .
waxa kaloo alle (S.W.T) uu ku yidhi qur’aankiisa mar kale :” وَإِنِّي لَغَفَّارٌ لِمَنْ تَابَ وَآَمَنَ وَعَمِلَ صَالِحًا ثُمَّ اهْتَدَى ” suurat daah 82 ” Anigu waan u dambi-dhaaf badanahay ,qofkii towbad keena oo ka rumeeya oo fala wanaaga oo hanuuna”.
Qur’aankiisa alle waxa uu ku xusay mar kale “ Alle waa ka toobad aqbalay Nabiga iyo Muhaajiriintii iyo Ansaartii raacay saacaddii dhibaatada, markii qaar ka mid ah qalbiyadoodu ku sigteen inay qalloocdaan, kadib; dabadeedna waa ka toobad aqbalay, waa u turid iyo naxariis badan yahaye iyo seddaxdii dib loo dhigay jeer dhulkii ku yaraaday wuxuu ballaarraa. Naftoodiina ku ciriiryoontay ayna yaqiinsadeen inaan Alle meel looga irkadaa jirin isaga maahee, dabadeedna uu toobadii ka yeelay si ay u toobad keenaan, Alle isagaa toobada Aqbalaha naxariista badan ahe. Kuwa xaqa rumeeyoow dhowra waajibka iyo xilka uu Alle idin saaray oo run sheegyada ka mid ahaada” Suurada at-Towbah:117-119
Waxa aad inoogu booriyay tawbadda nabigeena muxamed (N.N.k,H) waxa uu yidhi xadiiskan uu soo wariyay Abuu Hureyrah (A.K.R.) yiri: Waxaan maqlay rasuulkii Alle(N.N.k,H) oo leh: “Wallaahi maalintii waxaan Alle dembi dhaaf waydiistaa oo u toobad keenaa wax toddobaatan jeer ka badan.” (Bukhaari).
Waxa kaloo Anas ibn Maalik (A.K.R) oo adeege u ahaa nabiga(N.N.k,H) wuxuu yiri: Nabigu(N.N.k,H) wuxuu yiri: Wuxuu Alle ugu farxaa toowbadda addoonkiisa si ka daran sida midkiin ugu farxo awrkiisii oo inta hayjad kaga lumay uu markaas helay.” (Bukhari iyo Muslim).
Weedha Muslimka waxay intaa raacinaysaa: Wuxuu Alle ugu farxaa markuu adoonkiisu u towbadd keeno, sida midkiin rakuub u watey oo hayjad marayey oo ay raashinkiisa iyo biyihiisuba saarnaayeen, dabadeed uu halkaas rakuubkii kaga lumay biyihii iyo baadkiina kala tagay, dabadeedna doondoonay oo waayey, oo markaas uu geed iska hoos jiifsaday isagoo quustay, oo isagoo saas ku sugan markaas indhaha kala qaaday mise waa rakuubkiisii oo kor taagan, markaasuu yiri: inta hoggaankiisa qabsaday oo farixii ka batay: Alloow addoonkaygii baad tahay, aniguna Rabbigaagii, wuxuu ugu dhacay carrab taraaraxaas farxad darteed iyo isagoo doonayey inuu u mahad noqo Rabiggii, una qiro abaalka iyo fadligaa.
Abuu Muusa al-Ashcari (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (N.N.K.H) wuxuu yiri: ” Alle SWT habeenkii buu gacantiisa soo fidiyaa, si uu u toobad keeno qofkii maalintii dambaabay, maalintiina gacantiisuu soo fidiyaa si uu u toobad keeno qofkii habeenkii dambaabay, jeer ay qorraxdu bugux (yacni galbeed) ka soo baxdo (maalinta qiyaame).” (Muslim).
Hadaba walal intaas oo daliil waxa ay ku soo arooreen towbadda balse waxa laga yaabaa badankeenu inaynu mooganahay , inagoo ku mashquulsan sidii aynu tan aduunya ah ee gaaban uuga gaadhi lahayn horu-mar . waad saxsantahay inaad noloshaada heer ka gaadho waanan kugu taageersanahay, balse waxa aad markasta u shaqaysataa sidii aad noolaanayso , una cibaadayso sidii ood maanta dhimanayso .
Waxa jira laba goor oo aan la aqbalin tawbadda oo kala ah :
1- Mar ay naftu kaa gurmayso .
2- Marka ay cadceedu ka soo baxdo galbeedka am meesha ay u dhacdo.
Walaal waxa jirta salaad la yidhaa salaadda tawbadda . waaa la jeclaystay sida ay isku raacsanyihiin afarta imaam (Maalin,Abi Hanifa , Shaafici, iyo Ahmed). waana laba rak-cadood oo aad tukato marka aad ku dhacdo xumaan, Dunuubta waawayn ama kuwood aynu fudaydsanaba , Labadaa rak-cadood ood ilaahay ku baryayso inuu kaa towbadd aqbalo .Wanaagna samee aad ilaahay(S.W.T) ka rajaynayso inuu kaa aqbalo tawbadda sida :sadaqada, kuna dagdag inaad ilaahay(S.W.T) u towbadd keento, ma ogid waqtiga lagaa qaadi naftani waa ammaanee .
Ilaahay(S.W.T) siduu khayrku ku jiro hayna waafajiyo.
Xigasho:Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka.
Allaa mahadleh.
Qalinkii :Guuleed Cumar Madar.
Guuleed_madar@hotmail.com.