Baaqaygu waa Ha barooran Aakhiro! – Guuleed Madar (Q:1aad)

Waxa aynu dhamaanteen ku noolnahay nolol aan ka madhnayn dhibaatooyin,dhacdooyin la yaable , walbahaar ,duufaano jacayl sida ,farxad ,murugo badan marka aad waydo qof kugu qaali ah,dareen jiririco leh marka uu xanuunsado qof aad jeceshahay, iyo hawlo adagg mararka qaar.
guuleed MadarMajirto maalin walba cadceed kuu soo baxda oon waligeed dhicin adoon murugoon,noloshaada oo dhan ma murugaad ku dhamaysan? bal maxaad la murugoonaysaa ?noloshaadu ma dheertahay si aad murugo uuguba dhamaysato? yaase kuu dammaanad qaadaya inaad noolaanayso waligaa si’aad murugada farxad uugu doorsato?murugadaadu qof dhintay ma soo noolaynaysaa?bes! ha murugoon.
Nolosha tani waa ay gaabantahay , aduunyadu waa imtixaan. qof rummaysan Eebe haddaad tahay dhamaan dhacdooyinkaagu waa khayr ama wanaag.
Waxa uu yidhi nabigeednii  (N.N.K.H):” waxa la yaableh arinka qofka ilaahay rummaysan, dhamaan arimihiisu waa khayr ama wanaag ,qof kale arimihuusu wanaag ma aha aan ahayn qofka muslinka ah ee alle rumaysan, hadii uu qofka muslinkee alle rumaysan uu barwaaqo ku jiro waa uu mahad-naqaan, hadii ay dhibi haleeshana waa uu dulqaataa .dulqaadka ayaa u khayr ah wanaag ah” muslim ayaa soo wariyey xadiisakaa.
Maxaad u murugoonaysaa ? eed uuga fikiraysaa noloshaada oo dhan mustaqbalka fog?iyo nolo maalmeedkaaga ?maxaad u eegaysaa hibooyinka walaalkaa alle siiyay, eed u ilawsantahay hibooyinka adiga alle ku siiyay ? bari ayaad ka warwarsantahay ood qorshaynaysaa maanta se waad hil-maamsantahay.
Dhugo sheekadani waa taariikhihii hore ee ku aadan qofka rummaysan Eebe si aanu uugu murugoon nolosha tan gaaban.
” waxa jiaray dadkii hore boqor lahaa hal wasiir , wasiirkaasi arimihiisa oo dhan waxa uu tallo saaran jiray Alle koreeyee xumaan ka nasahnaa.
Maalin maalmaha ka mida ayaa boqorkii gacantiisa midig fari go’day, oo dhiig ka soo dareeray, waxa arkay dhiigii iyo farta boqorka go’dayba wasiirkiisii waxaanu yidhi wasiirku oo uu hal-hays u lahaa (wanaag,khayr khayr, hadduu alle idmo).
Boqorkii marka uu maqlay wasiirka oo leh (wanaag.khayr ,khayr. hadduu alle idmo ), ayuu waydiiyay wasiirka oo uu ku yidhi boqorku ” halkuu wanaagu joogaa ? dhiigbaaba iga socdee!” waxaanu amar ku siiyay ciidankiisii inay wasiirka xidhaan oo ay jeel u taxaabaan, wasiirkuna sidii caadada u ahayd ayuu yidhi:(wanaag.khayr ,khayr. hadduu alle idmo ) .
Sida caaddada ah boqorku jimce walba waxa uu baxaa dalxiis uu dambi dhaaf uuga danleeyahy, socdaal kadisa ayuu maalintii uugu dambaysay ku tagay meel u dhaw kayn balaadhan.
Markii uu woxogaa ku nastay kaynta agteeda , waxa uu galay gudaha kaynta oo ay ku sugnaayeen dad tirro-badan oo leh farshaxan ay caabudaan, oo waliba maalinkaa ay ahayd maalin ay wax u qalaan si ay uuga ducaystaan farshaxanka ay caabudayaan. waxayna baadigoob uugu jireen qof ay u qalaan farshaxanka maalintaas , iyagoo baadigoobkii ku jira ayay la kulmeen boqorkii waanay ku farxeen , waanay qabteen ,waxayna u diyaariyeen gawricitaan . si kadisa ayay u arkeen farta go’an waxayna dhaheen:” kani uuma qalmo mana wanaagsana inaynu farshaxanka uugu dhawaanoo ceeb ayuu leeyahay , ee inaga sii daaya”.
Markii la sii daayay boqorkii ee uu ka badbaaday in birta laga aslo ayuu xasuustay hadalkii uu wasiirkiisu ku yidhi maalintii fartan uu ku badbaaday go’day ee ahaa (wanaag.khayr ,khayr. hadduu alle idmo ) si dagdag ah ayuu socdaalkii uuga soo laabtay isla maalinkiina waxa uu amray in la soo daayo wasiirkii , waxaanu uuga waramay dhacdadii layaabka lahayd ee ku habsatay markii uu kaynta tagay iyo sidii uu uuga soo badbaaday . Waxaanu yidhi runtii fartu maalinkay i go’day khayr ayay ii ahayd ! se suaal ayaan ku waydiinayaa wasiire markii laguu taxaabayey jeelka waxaad tidhi: (wanaag.khayr ,khayr. hadduu alle idmo ) jeel ayaa laguu taxaabayeybee khayrka maxaad uuga jeeday? waxa uu uugu jawaabay wasiirku ” anuu wasiirkaagii madaxtooyadaan ahay mar walbana waan ku dhinac taagnaa , hadii aanan gali lahayn jeelka waan ku raaci lahaa maalintii kaynta , markaasay iqaban lahaayeen kuwii kayta farshaxanka ku caabudayay markaasay waliba birta iga asli lahaayeen , ilayn aniga farina ima go’nee ! sidaa darteed ayuu khayr iigu lahaa jeelku “.
Walaal xagga alle u jeedso oo ka jeedso mashquulka iyo dhaldhalaalka aduunka ee aan macnaha lahayn laguna waarayn.
Yaanu noqon hiigsi-gaaga uugu wayni aduunyadan inaad horu-mar balaadhan ka gaadho ee aakhiradaada u tudh walaal , imisaa hanti faro badan lahaa oo aanay u kordhinayn hantidoodu murugo iyo walaac mooyaane? , imisaa xunbanahooda jirka inay wax ilaahay xaarantimeeyay ku falaan uula ban-baxay ?oo ilawsan inay ku markhaati furi doonaan maalinta qiyaamaha !wax walba waa ay dhammaanayaan adna waad ka tagaysaa aduunyadan oo waa la hubaa , ha u murugoon hanti iyo dhaldhalaalka aduunyo ee macnaha daran .
waxa aan ku soo gaba-gabaynayaa maqalaakan xadiiskii nabigeena(N.N.K.H) ee ahaa “عن عمر بن الخطاب رضي الله عنه عن النبي – صلى الله عليه وسلم – قال : لو أنكم توكلون على الله حق توكله ، لرزقكم كما يرزق الطير ، تغدو خماصا ، وتروح بطانا رواه الإمام أحمد والترمذي والنسائي وابن ماجه وابن حبان في ” صحيحه ” والحاكم ، وقال الترمذي : حسن صحيح .
Cumar-ibnu khadaab waxa uu nabiga (N.N.K.H) ka wariyry xadiiskan macnihiisu yahay” hadii aad talo saarataan alle sareeyee xumaan ka nasahnaa si dhabana u tallo saarataan , ilaahay waa uu idin arsaaqi lahaa ,sida uu u arsaaqo shimbiraha , barqaysanaysa iyagoon waxba meel ku ogayn ,la soo laabanaysa iyadoo wax sida”.
Allaa mahad iska leh .
Qalinkii : Guuleed Cumar Madar.
Guuleed_madar@hotmail.com
Frankfurt, Germoney