BAAQ: XADHIGA XOGHAYA BURCO WAA SHARCI DARRO MUDDO DHAAFTAY MASUULIYADANA WAXA LEH HANTI-DHOWRKA GUUD

“RAG CADDAALAD WAAYAA SIDII CAWSHA KALA YAAC”

Anaga oo ah Odayaasha, Aqoonyahanka,  Ganacsatada, Dhalinyarada, iyo Haweenka  magaalada Burco waxa aanu baaq u diraynaa dhamaan Ha’yadaha hoos ku qoran:

1.      XUKUUMADA MADAXWEYNAHA JSL, MADAXWEYNE KU XIGEENKA JSL, GOLAHA WASIIRADDA.

2.      GOLAYAASHA SHARCI DEJINTA (GUURTIDA IYO WAKIILADA)

3.      GARSOORKA QARANKA.

4.      SAXAAFADDA XORTA AH IYO

5.      SHACABKA NABADA JECEL EE REER SOOMALILAND

Baaqan oo ku wajahan xadhig xaqdarro ah oo loogaystay xoghayihii hore ee Dowlada Hoose ee Burco, Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Xassan oo ku xidhan xabsiga dhexe ee magaalada Burco, muddo ku dhow afar (4) Bilood isaga oo aan weli la horkeenin Maxkamad.

Haddaba waxa  aanu faahfaahin ka bixinaynaa sida uu ku yimi xadhiga xoghayuhu. Markii ay taariikhdu ahayd 28/05/2011 waxa safar ku yimi magaalada Burco maddaxa hanti-dhowrka guud oo ay wehelinayaan xisaabiyaha guud, agaasimaha guud ee  W/maaliyadda iyo gudoomiyaha Baanka dhexe si ay uga qayb qaataan hubinta iyo gubista lacagtii giinbaarta ahayd ee Burco laga bedelay. Ninkii ka midka ahaa weftigaa waa Hanti dhowrka guud eh, ayaa waxa uu si kedis ah ula kulmay xoghaya dawlada hoose isaga oo ku sugan mehered kutaala suuqa Burco, isaga oo markii ugu horaysayba ku bilaabay hanjabaad iyo cay uguna hanjabay inuu xidhidoono! Isaga oo kaga dhabeeyey xadhigii uu ku hanjabaayey.

Arinta kale ee layaabka lihi waxa weeye xadhiga xoghaya oo ka horeeyey Baadhista Dowlada hoose ee Burco lagu sameeyey wakhti ka dib.

Tan iyo Muddadii uu xidhnaa cabdiraxmaan Xoghayihii hore ee Dowlada hoose ee Burco muuhelin wax goorsoor iyo caddaalad ah isla markaana wax Maxkamada lama horgayn. Waxa aanu leenahay “RAG CADDAALAD WAAYAA SIDII CAWSHA KALA YAAC” Wakhtiga ugu dheer ee uu qofku bilaa maxkamad xidhnaan karaa sharciyan waa 45 cisho. Qofna isaga oo aan danbiile noqon Maxbuus ma noqon karo, Balse wuxuu noqon karaa Eedaysane, waxase uu danbiile noqon karaa marka uu denbi kaga caddaado maxkamad horteed.

Danta Qarankani waxa ay ku jirtaa in la ilaaliyo Nabadgelyada aynu ku caano maalnay, Nabad bilaa Caddaalad ahina jirimayso, siddaadarteed waxa aanu ku baaqaynaa in Muwaadinkaa u xaniban shakhsiga keliya ee hantidhowrka guud xoriyadiisii loo soo celiyo oo weliba Magdhow laga siiyo tacadiga loo geystay sharaftiisii iyo karaamadiisiiba.

Markii aanu la xidhiidhnay cidkasta oo uu khuseynaayey xadhigani sida xeer ilaalinta gobolka ee aanu waydiinay sababta ilaa hadda kiiskii maxkamad loo horkeeni waayey waxa ay noo sheegeen in uu kiiskani u xanibanyahay Hantidhowrka guud, oo weliba uu hanti dhowrku ku marmarsoonayo howlo badan oo gobolada ah ayaa ii yaala, waxase la is waydiin karaa dhayalsiga uu samaynaayo hantidhowrku oo keeni karta Isku dhac iyo iska horkeen Bulshada iyo Dawladooda.

Sida awgeed waxa aanu ugu baaqaynaa xukuumada JSL in ay talaabo sharciya ka qaado ninka masuulka ka ah Hanti-dhowrka guud ee qaranka oo si shakhsi ah u isticmaalaya awooda masuuliyadda iyo xilka uu Qaranka u hayo, isaga oo ku dedaalaya sidii uu isaga horkeeni lahaa xukuumada iyo muwaadiniinteeda.

Dawladu waa inay ilaaliso xuquuqda muwaadinka kana qabato cid kasta oo Isku dayda inay ku tacadido ama wax yeelayso muwaadinka karaamadiisa, sharaftiisa, maalkiisa, iyo xuquuqdiisa aasaasiga ah.

Waxa aanu ka codsanaynaa goleyaasha sharci dejinta inay soo dhexgalaan oo ay wax ka qabtaan sharciga iyo xuquuqda lagu tacadiyaayo.

Arrintan oo ah mid aan la dhayalsan Karin waxa aanu qaylo dhaan u diraynaa Ha’yadaha u dooda xuquuqda Aadamaha, Saxaafada xorta ah, Dadweynaha nabada jecel ee reer somaliland iyo Bulsho weynta caalamka inay kaalintooda ka qaataan.

Anaga oo soo dhawaynayna ilaalinta hantida qaranka ee aynu wada leenahay, waxa muhiim ah in maxkamad horteed lagaga caddeeyo qofkast wixii lagu eedeeyo oo aanay noqon tuhun, aargoosi shakhsi, waxa muuqata in cid danno gaar ah leh ay arrintan ku dhex jirto oo doonaysa inay wiiqdo xukuumada hadda talada haysa. Waayo marka qofkii ugu wax qabadka fiicnaa lagu eedeeyo denbi aanu gelin isla markaana maxkamad la horgeyn waayo ilayn cadayn looma hayee sow kicin dadweyne noqon mayso, sow ceebayn dowladeed maaha, sow iska horkeen dadkii iyo dowladii maaha.

 Maanta uma Baahnin xasarad iyo abuuris khilaaf, uma baahnin kicin dadweyne, uma baahnin iska horkeen bulsho, uma baahnin in sharaf dil iyo nusqaan loogaysto qofkasta oo inaga mid ah sida darteed qofka muwaadinka ah ee xabsi lagu xidho ee aan wax maxkamada la horgeeyn ee masuul ahaa ee waxqabad muujiyey xiligii uu xilka hayey sidee ayaa loogu dulqaadankaraa?!

Waxa aanu rajaynaynaa in arrintan sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabto.

Qaar ka mida dadka baaqan soosaaray:

  1. Caaqil Saleebaan ibraahim X. Yusuf
  2. Oday cumar X. Yuusuf Xirsi
  3. Oday Mohamoud Aw Cismaan  Aw faarax
  4. Oday Cali Muuse Cilmi
  5. Axmed Xuseen Guuleed
  6. Maxamed Maxamuud Xassan
  7. Cali Cabdi Saleebaan
  8. Cismaan Axmed Amare
  9. Jaamac maxamed Shucayb
  10. Maxamed Jaamac Guureeye
  11. Pro. C/salaan Maxamed Aadan
  12. Pro. Axmed Cali jama
  13. Pro. Sayid Saleebaan Ibrahim
  14. Pro C/raxman Saleban Maxed
  15. Siciid Axmed Geele
  16. Cabdi cali jaamac
  17. Caasha Cismaan Cali
  18. Koos Maxamuud Xassan
  19. Faadumo Cabdi Xaaji Yuusuf
  20. Amina Nuur Amare
  21. Caasha Nuur amare
  22. Nimco Jaamac Cali
  23. Deeqa Cali jaamac
  24. Caasha xasan Amare
  25. Amina Xasan Amare
  26. Safiya Cali Jaamac

Somalilandpost.net

News Desk