Baaq Ku Socda Gudidda Doorashooyinka Iyo Gollaha Guurtida

Shacab weynaha Somaliland waxay niyad jab xoog leh ka qaadeen Doorashadii Gollaha Deegaannka ee dhacday sanadkii 2002, ka dib markii Goleyaashii Deegaanka ee wakhtigaasi lagu doortay Liis (list Election)  iyaga  oo shacabku  u coodeeyay Urur Siyaasadeed balse aan u codayn Cida iyaga dhab u matalaysa  ee ay filayeen inay ku soo bixi doonto Doorashadii Goleyaasha Deegaanada. Waxa shacabka isku qaban wayday  waxa ay filayeen iyo dadkii ku soo baxay Golaayaashii Deegaanka ee Wakhtigaasi oo ah kuwa maanta jooga oo niyad jab iyo Maroora Dilaac ku riday Shacabkii soo Doortay xiligaas. Waxa Goleyaashii Deegaanka ku  soo baxay dad aan masayr umadeed lagu aamini Karin, dad aan aqoon iyo waayo aragnimo lahayn, dad aan iyagu isla shaqayn Karin, dad kii aqoonta lahaa ee ku jiray ee iyaga hagi lahaa markiiba geeska geliyay oo cidla u saaray, dad u badan calooshooda u shaqaystayaal lunsaday hantidii umadu wada lahayd siiba dhulkii Dawladda ee ay masuulka ka ahaayeen.  Waxa tusaale inoogu filan Caasimadii Hargeisa oo aad aragtaan sida ay u eegtahay iyo in Xaafadaha Cusub ee hareeraha Caasimada laga waayay meel laga dhiso Saldhig Booliis, Sariibad, Iskuul, Garoon Kubadeed, Masaajij , MCH ama Hospitaal dan guud, Meel u hadhay Dan guud ma jirto, Nadaafad xumada Caasimada ka jirta waad aragtaan,  cid la xisaabtanta Goleyaasha Deegaanada ee maanta jiraana  ma jirto. Gobol kastaana sidaas oo kale ayay shacabkii uga niyad jabeen oo khaatiyaan uga taagan yihiin Xildhibaanada maanta jooga ee Goleyaasha Deegaanada. Shacabku waxay ku Alle beryayaan yaa idinka hor qaada kuwan iyo Ilaahow noogu badel kuwa noo dhaama.

Shacabka Somaliland waxay sugayaan in qofka Xildhibaanka ka noqonaya Gollaha Deegaanka si toos ah loo soo doonto si loo helo Dad tayo leh oo mateli kara Shacabka horumarkoodana ka shaqayn kara oo fahmaya baahiyaha kala duwan ee bulshada ee ay tahay in laga shaqeeyo iyo in loo ilaaliyo cashuurta ay bixiyaan in wax loogu qabto. Hadii sidii sanadkii 2002 Doorashadu ay noqoto mid  aan shacabku soo dooran xubinta ay ku kalsoon yihiin ee Urur Siyaasadeedku noqdo ka qofka uu doono isagu Liiska ku soo darsada waxay noqon doontaa Dhibaato xoog leh oo ku habsata Shacabka Somaliland iyo in kuwii hore kuwo ka darani soo baxaan oo dhibtii kuwii hore shacabka ku hayeen tukale ugu sii dara.

Gollaha Guurtida iyo Guddida Doorashooyinka waxan si sharaf leh uga codsanaynaa in Doorashada Gollaha Deegaanku noqoto mid murashaxa si toosa loo soo doorto si ay u soo baxaan Xildhibaano Golle Deegaan oo Tayo leh, si shacabku ugu baxo niyad jabka iyo jaah wareerka ay ka qaadeen Golayaasha Deegaanka ee maanta jooga. Way dhici kartaa inay ka dhib badan tahay doorashada murashaxa tooska loo soo dooranayaa siiba dhinaca Technicalatiga balse dhib kasta oo ay la mudanayaan Guddida Doorashooyinku waxa inooga wanaagsan isaga  oo shacabkeenu hela Mustaqbal wanaagsan iyo dad tayo leh oo hogaan wanaagsan u qabta Golleyaasha Deegaanada Dalka. Gollaha Guurtidana waxan ka codsanaynaa marlabaad inay u codeeyaan in Murashaxiinta Goleyaasha Deegaanada si toosa loo soo doorto sidii ay Gollaha Wakiiladuba  ugu soo codeeyeen.

ALLAA MAHAD LEH

C/raxmaan Maxamed

Hargeisa-Somaliland