“Baanka Dhexe iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay waa inay u dhaqmaan sida kuwo ka diiwaangashan caalamka” – Wasiirka Maaliyadda Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa Baanka dhexe iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay ugu baaqay inay adeegyadada ay macaamiisha u qabtaan ka dhigaan qaar la mid ah kuwa Bangiyada Caalamka oo ay qabtaan shaqo kasta bangiyada adduunku qabtaan.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland ayaa hadalkan ka sheegay kulan lagaga doodayey caqabadaha ay maraan lacagaha baahida ganacsi dibedaha loogu diro oo shalay ku qabsoomay Hargeysa, waxaana goob-joog ka ahaa Masuuliyiinta baanka Dhexe ee Somaliland oo kulanka soo qaban-qaabiyey, Wasiirka Maalgeshiga, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, Gudoomiyeyaasha Bangiyada Gaarka loo leeyahay, Ururka Xawaaladaha iyo saraakiil ka ka tirsan shirkadda DP World.

Dr Sacad Cali Shire waxa uu sheegay in wax walba ku xidhan yihiin sida waajaho, loogana baahan yahay madaxda bangiyada inay la jaan-qaadaan nidaamyada shaqo ee bangiyada caalamka

“Baanka Dhexe iyo baananka gaarka loo leeyahay waa inay u dhaqmaan sida kuwo ka diiwaangashan caalamka, isla markaana dhamaan adeegyada baananka caalamigu bixiyaan laga helo, si ay kalsooni u abuuraan.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirku.

“Inaad la yeelataan xidhiidho wada shaqeyneed bangiyada caalamka waa muhiim, iyo inaad ka shaqeysaan sidii bangiyada caalamiga ee hanaanka Islaamka ku shaqeeya dalka u iman lahaayeen.”

Dhinaca kale, waxa isaguna kulanka hadal ka jeediyey Wasiirka Maalgashiga Somaliland Maxamed Axmed Cawad oo hadal ka jeediyey kulanka, ayaa sheegay in wada-shaqayn iyo xidhiidhka bangiyada adduunku ku xidhan tahay in ugu horeyn gudaha dalka laga abuuro baahi suurto-galinaysa inay yimaaddaan dalka.

“Haddii aynu dunida u abuurno baahi, waa la aqbalayaa, markaa iyadoon la dhaafayn shuruucda iyo xeerarka caalamka u yaala aynu qorshayaal diyaarsanno,” ayuu yidhi Wasiirka Maalgashiga oo intaas ku daray in jiritaan la’aanta bangiyo caalami ah oo dalka ka shaqeeya ka mid tahay caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla maalgeshi caalami ah oo ka hirgala gudaha Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net