Baanka Dhexe ee Somaliland oo soo bandhigay Astaamaha lagu Garan karo Lacagta Been-abuurka ah

 

Hargetsa (SLpost)- Baanka Dhexe ee Somaliland, ayaa soo saaray astaamaha lagu garan karo Lacagta Dollar-ka ee been-abuurka ah oo la sheegay inay suuqyada dalka soo gashay dhawaan, gaar ahaan lacagta Nodhe-ka 50-ka Dollar.

Qoraal Wargelin ah oo ka soo baxay Baanka Dhexe ee Somaliland, ayaa si faahfaahsan loogu sharraxay astaamaha ay leedahay ama lagu garan-karo lacagta Dollar-ka ah ee Been-abuurka ah.

Qoraalka ka soo baxay Bangiga Dhexe ee Somaliland ee lagu faahfaahiyey astaamaha lagu garan-karo lacagta been-abuurka ah, ayaa u qornaa sidan:-