Baanka Dhexe ee Somaliland oo muddo Laba Usbuuc ah u Qabtay Soo-Xeraynta iyo Beddelaada Lacagta Duugga ah ee SLSHs

Hargeysa (SLpost)- Bangiga Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Shacabka ugu baaqay inay muddo laba toddobaad gudahood ah kusoo xareeyaan lacagta duugawday ee Shilinka Somaliland ee Noodhadka 10-a Shillin, 20-ka Shilin, 50-ka Shillin iyo 100-ka Shilin.

War-saxaafadeed uu Isniinta maanta soo saaray Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Md Cali Ibraahim Jaamac, ayaa loogu baaqay shacabka iyo Ganacsatada inay lacagta Duugowday ee Afartaas noodh ku xereeyaan Laamaha Baanka Dhexe ku leeyahay gobollada dalka, iyadoo loogu beddelayo lacag u dhiganta qaddarka noodhka ay soo xereeyaan.

War-saxaafadeedka nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa lagu sheegay in hawsha lacag beddelku muddo 14 maalmood ah oo ka bilaabmaysa 28-ka July 2021 ka socon doonto Laamaha Baanka Dhexe ku leeyahay gobollada dalka.

“Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo isla markaana cuskanaya qodobka 41aad, farqaddiisa koowaad ee xeer Lr. 54/2012, kuna saabsan mawduucan kor ku xusan waxaanu ogaysiinaynaa dhammaan bulshada inay soo xareeyaan lacagta duugawday ee ka kooban 10 Shilin, 20 Shilin, 50 shilin iyo 100 shilin.

Waxa lagu soo xaraynayaa laamaha Baanka Dhexe JSL ee ku kala yaala gobollada dalka muddo dhan 14 cisho oo ka bilaabmi doonta 28 bishan toddobaad ee 2021-ka.

Muwaadinka ku soo xareeya noodhadhka kor ku xusan muddada loo qabtay waxa uu Baanka dhexe ee Somaliland ugu beddeli doonaa noodhadh la qiimo ah cadadka uu keeno.” Sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay Baanka Dhexe ee Somaliland.

Noodhka Shilinka Somaliland oo Baanka Dhexe bulshada ka dalbaday inay soo xereeyaan, ayaa ah lacag aan xilligan laga isticmaalin ama Suuqa ku jirta marka laga reebo Noodhka 100-ka Shilin oo isticmaalkeeda la arko xilliga mushaharka ay qaadanayaan shaqaalaha dowladda,

Isticmaalka noodhadkan ayaa suuqa ka baxay sababo la xidhiidha sicir-barar ku yimi lacagta oo qiimo-dhac ku keenay iyo noodhadhka 1000 Shilin iyo 5000 Shilin oo markii dambe la soo daabacay.

Lacagta Shilinka Somaliland ayaa markii u horeysay la soo daabacay sannadkii 1994-kii xilligaas oo madaxweyne loo doortay Allah ha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal oo noqday Madaxweynihii labaad ee JSL kaddib markii Somaliland madaxbannaanideeda dib ugala soo noqotay Soomaaliya sannadkii 1991-kii.

Waxa xusid mudan in Lacagta Shilinka Somaliland ee xilligaas la hirgaliyey ka koobnayd Hal Shilin, 5 Shilin, 10 Shilin, 20 Shilin, 50 Shilin, 100 Shilin iyo 500 Shilin. Balse waxa markii dambe la soo daabacay noodhka 1000 Shilin iyo 5000 Shilin.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net