Baanka Adduunka oo Xanibay $90 Milyan oo la Siin Lahaa Uganda

Switzerland(SLPOST)Bankiga Adduunka ayaa dib u dhigay lacag dhan 90-milyan doolar oo deyn  lagu waday in uu siiyo Dowladda Uganda.

world-bank-logo-

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli dhowaan Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu si geesinimo leh u ansixiyey sharci diidaya in dadka isku jiinsiga ah isu galmoodaan, waxaana uu cambaareyn weyn kala kulmay Reer Galbeedka.

Waxay ugu hanjabeen in ay jari doonaan dhamaan deeqaha iyo taageerada ay siiyaan Dowladiisa oo meel kale u weecin doonaan.

Saraakiisha Bankiga Aduunka ayaa sheegay in ay ka fiirsanayaan lacagta deynta sida uu u bixi doono iyo in aan wax saameyn ku yeelan sharciga cusub la meelmariyey.

Waxaa la filayay lacagtaas in la ansixiyo shalay oo khamiis ahayd, waxaana lagu qaban lahaa horumarinta adeegyada caafimaadka.

Xogheyaha arrimaha dibadda Maraykanka John Kerry ayaa sharciga uu meel mariyey Madaxweyne Museveni ku tilmaamay mid la mid ah kii ka dhanka dadka Yuhuuda iyo Dadka madowga ee ku nool Koonfur Afrika oo ay cunsurnimo kala kulmi jireen Dadka cadaanka.

Madaxweynaha Uganda ayaa cod dheer marar badan ku sheegay in aanu  ogolaan doonin anshax xumo iyo dhaqamo aan wadankaas ka jirin lagu soo rogo ama ay dadkiisu udabafadhiisan dhaqamada xun xun ee dunida reer galbeedku ku badan.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Office