Saynis Yahanka Hopkins oo ka digay horumarka sayniska

S

Uk(SLpost)-Bini’aadanka ayaa qatar ugu jira horumar ay ayaga sameeyeen, sida uu sheegay Prof Hawking.Dagaal Nuckliyeer, cimilada kululaanaysa iyo DNA-da la badalo ayaa ka mid ah waxayaabaha uu tusaale u soo qaatay. Wuxuu sheegay horumarka laga gaaro sayniska iyo technolojiyada inay abuuri doonto “siyaabo cusub oo ay wax ku qaldamaan”

160113064724_sp_stephen_hawking_640x360_epa_nocredit

Prof Hawking ayaa sheegay in bini’aadanka markii la gaaro waqtiga biniaadanka uu ku noolaado meerayaasha samada, markii qasaaro uu ka dhoco adduunka bini’aadanka wuu ka badbaadi karaa.

“Laakiin, si joogta ah bini’aadanka uguma noolaan karo samada si joogta ah inta ka horaysa laba boqol oo sano, marka waa in waqtigan aan samaynaa taxadar”. Prof Hawkin ayaa markii ugu horaysay ka hadli doona BBC Reith Lecture.

Waxaa ah qilaaf, in qof saynisyahan wayn ah inuu muujiyo horumarka sayniska inay qatar ku tahay adduunka. Waqtiyo hore , wuxuu sheegay qatarta ay yeelan karto computerada maskaxda ku shaqeeya (AI) inay noqdaan kuwa awood badan oo bini’aadanka baabi’iya. “Marka si faahfaahsan u sheeg sayniska aad samaynaysid, waxaa laga yaabaa xataa inuu adiga kaa caawiyo inaad fahantid”

Tan iyo intii Prof Hawking uu ku dhacay cudurka motor neurone, dadaalkiisa inaysan cuuryaanimadiisa hor istaagin shaqadiisa ayaa adduunka oo dhan soo jiidatay dadka..

Gabadhiisa ayaa ah qoraa, waxayna la qortay aabaheed buugaagta sayniska ee carruurta.

Laakiin wuxuu ku adkaystay in la heli doono hab looga hortago. “Ma joojin doono inaan horumar gaarno, ama aan dib u noqono, marka waa inaan aqoonsano qatarta oo aan helna ahab looga hortago. Waxaan aaminsanahay inaan awoodno”

“Wuxuu sheegay saynisyahanada mustaqbalka inay ogaadaan horumarka sayniska iyo teknolojiyada inuu badalayo adduunka iyo in dadka la fahansiiyo.

“Waa muhiim in la hubiyo isbadaladan inay u sodaan dariiqa saxda ah. Bulshada dimoqraadiga, micnaheedu wuxuu yahay qof walba wuxuu u baahan yahay inuu fahmo aasaaska sayniska si uu go’aan uga gaari karo mustaqbalka.

Xigasho BBC