Axsaabta Mucaaradka Ah Ee Dalka Itoobiya Oo Sheegay Inay Qaadici Doonaan Natiijadii Doorashadii Bishii Hore Qabsoontay

Addis Ababa, (SLpost)- Xisbiga mucaaradka ah ee dalka Itoobiya ee lagu magacaabo Ethiopian Democratic Party (EDP) ayaa ku dhawaaqay inaanay aqbali doonin natiijada doorashadii dhawaan dalkaas ka qabsoontay. Dhawaaqan ayaa noqonaya xisbigii shanaad eek u dhawaaqa inaanu aqbalayn natiijada doorashadaas, waxaana hore u shaaciyay inay qaadacayaan natiikada axsaabta kala ah.

  • Medrek
  • Blue Party
  • All Ethiopia Unity Party and
  • Ethiopian Raey Party.

Waxaa sidan sheegay guddida fulinta, kuwaasoo uu ka mid yahay guddoomiyaha xisbigaas iyo guddoomiyaha guddida fulinta Adane Tadesse oo la hadlay saxaafadda.

Xisbiga EDP ayaa hore u qaadacay isticmaalka warbaahinta dawladda xiligii lagu jiray ol’olaha doorashada dalka Itoobiya.

Somalilandpost.net