Axmed Yuusuf Yaasiin oo soo bandhigay Talooyin maamul oo uu u jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi

Axmed Yuusuf Yaasiin

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa sheegay inuu talooyin ku aaddan wax-ka-qabashada tabashooyin laga tirsanayo maamulkiisa u jeediyey madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi isla markaana uu meesha ka saaro kala-qayb-sanaanta shacabka.

Axmed Yuusuf YaasiinAxmed Yuusuf Yaasiin oo qaybo ka mid ah warbaahinta maanta kula hadlay Gurigiisa, waxa kale oo uu ka hadlay caqabado uu carrabaabay inay hortaagan yihiin qabsoomidda doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka oo loo muddeeyey inay dalka ka qabsoomaan horaanta sannadka dambe.

Sidoo kale, Axmed Yuusuf waxa uu xog-warrankiisa baaq iyo talooyin ugu jeediyey xukuumadda inay gacan bir ah ku qabato colaadaha u dhexeeya Beelaha walaalaha ah ee ku dhaqan gobolka Sool.

Faahfaahinta Arrimahaas iyo Qodobbo kale oo xiisahooda leh, kaga bogo muuqaalkan Hoose.