Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ku Baaqay In La Anshaxmariyo Shirgudoonka wakiilada ee Dagaalmay Kana Digay In Midkood Xilka Laga Qaado

Hargeysa(SLpost)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin ayaa gudida joogtada ah ee golaha wakiilada faray inay anshax mariyaan labada gudoomiye ee golaha ku dagaalmay, waxaanu ka digay in midkood xilka laga qaado taas oo uu ku tilmaamay mid washtigan halis ku ah nabada Somaliland.

Waxa uu sida oo kale ka sheekeeyay Axmed Yuusuf Yaasiin golahii wakiilada 1993-dii oo mar sidan oo kale isku qabtay isla markaasna mudo sanad ah ku guuldaraystay inuu yeesho wax fadhi ah, waxaana isaga oo arimahan ka hadkaayay uu yidhi “Arinkani waxa uu u eegyahay golahii tagay ee ay ka danbaysay 23-ka sanadood, waa golahii 1993-gii markii uu golahaasi is qabtay waa uu kala jabay, shirkii 1996-kii ayay yimaadeen iyaga oo kala socda, hadaba laba hadaf ayay ku kala jabeen, ka hore waxa uu ku kala jabay waxa jiray dastuur ayaa la samaynaayay, golahana waxa lagu soo doortay axdi qarameed dastuurna waa la samaynaayay, mudada sadexda sano ahayd in ay dastuurka sameeyaan bay ahayd laakiin markay mudo wadeen Cigaal waa uu qawaday, khabiir Suudaani ah ayuu keenay waxaanu sameeyay nuqul dastuur ah, kiibaana laga horyimi oo sidaas ayuu ku kala jabay, waxa gudoomiye ka ahaa Xaabsade waxaana ku xigay Baydaani,markaas xukuumadda oo Baydaani taageeraysa waa kii golahu halkaas ku kala jabay, waxa badbaadiyay shirweynii oo dastuuradii laysku hayayna waatii laysku geeyay ee laga soo saaray noqol, markaas halkaas ayaa kala jabkoodii lagu badbaadiyay, kan maantana waa isku mid laakiin waxa laysku qabtay ayaan dastuurkii ahayn ee Haamo ah, hadaba waxa weeye hadii uu wadadii golahaas maro maxuu ku danbaynayaa, waxa uu ku danbaynayaa inuu sahayd qaranka Somaliland oo maanta shirbeeleed la galayaa ma jirto.”

Axmed Yuusuf oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Golahani waxay ahayd mudadii loo kordhiyay inuu arimaha doorashooyinka eego oo waxii xeerar ku diiwaangalin ah iyo mid lagu soo dooranayaba ay eegaan ayay ahayd, isaga oo is watana uu doorashada gaadhsiiyaa, waana inay ogaadaan inay matalayaan shacabka waayo waxay ku fadhiyaan codkii shacabka, inay taas ixtiraamaan weeye. waxaan leeyahay iyaguna haysku tanaasulaan oo yaanay mardane tan oo kale dhicin.”

Ugu danbayntii waxa uu hadalkiisa ku soo gunaaday“Anigu meelbaan ka taagnahay haamaha iyo dekedaba, marka arin laga guurayo ee meel kale loo guurayo waa in sharciga la maraa, waa in la helaayo dekhli kii hore ka badan, waa in amniga haamana cid mid ka sii fiican samaynaysaa ay meesha timaado, haamaheenu waa kuwo gaboobay oo kontan sano jiray markaas hadii xabadi ku qaraxdo dhamaantood way guban,dekeduna waa ay guban Berberina waa ay guban, rayl bada shidaalka geeya hadii ay qaraxdo malaha, dhulka hoostiisiina kuma jiraan markaas amnigeena ayay halis ku yihiin.Dagaalka ka dhacay golaha wakiiladu waa mid ay ku dhimatay haybadii Somaliland,golahu waxa uu leeyahay gudi joogto ah oo qaabilsan anshaxa golaha gudidaasi waa inay fadhiisataa oo ay qaraar ka soo saartaa labada gudoomiye ee is dilay, waxa laga yaaba in la yidhaahdo cid xilka halaga qaado taasna waxkhtigeedii waynu dhaafnay mana doonayno inuu dalku kala qoqobmo, waxaan leeyahay inaga oo is wadana golahu xeerarkii ha dhameeyo si doorasho loo galo, si aanu golahu u noqon laba gobal oo fadhiisan kari waaya, gudida joogtada ah waa inay anshax mariyaan.”
Hargeysa Somaliland

Somalilandpost