Axmed Saleebaan Dhuxul oo loo Magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada iyo Abiib Timo-Cad oo Wasiirka Warfaafinta noqonaya

Dr Axmed-Siilaanyo

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud, ayaa digreetooyin ku magacaabay masuuliyiin cusub waxa uu Agaasimihii telefishanka ee Shaqada laga Eryey Axmed Saleebaan Dhuxul u magacaabay inuu Noqdo Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta uu noqdo Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timo-cad) oo ahaa la-taliyihii madaxweynaha ee dhinaca siyaasadda halka Afhayeenkii madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Daahir loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa u dhignaa Sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto madaxweyne No: JSL/M/XERM/2491283/082012 Xilal kala duwan ugu magacaabay wasiirka Wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta, wasiirku xigeenka Wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta  JSL, Gudoomiyaha Gobolka Gabiley,   Afhayeenka Madaxtooyada JSL, iyo Maareeyaha Telefishanka Qaranka ee madaxa banaan.

Madaxweynuhu:-

 Markuu Arkay:  Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyey:  Ahmiyadda wayn ee ay  Wasaaradu u leedahay Dalka iyo Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay:  In baahi loo qabo buuxinta jagadan hoos kuxusan,

Markuu Ka Fiirsaday:   Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Markuu ku Qancay:   In uu hanan karo xilka loo magacaabay,

Wuxuu go’aansaday

1. In Mudane, Abiib Diiriye Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee JSL.

2. In Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta ee JSL.

3. In Mudane, Axmed Saleebaan Dhuxul, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

4. In Mudane, Axmed Cali Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.

5. In Mudane, Khadar Cali Gaas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Telefishanka Qaranka madaxa bannaan ee Qaranka Somaliland. “

 SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net