Axmed Muumin Seed oo Ka Hadlay Musharaxiin Kursigiisa kula Tartamaya

Hargeysa(SLpost) – Guddoomiye kuxigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay inuu raali ku yahay in lagula tartamo kursiga uu ku fadhiyo. Waxa uu sidoo kale dhalliilay xukumadda Siilaanyo oo uu tilmaamay dhibaatooyin dalka ka jira aannay waxba ka qaban.

 

Mudane Axmed Muumin Seed, wuxuu sidoo kale ka hadlay macdan qodis xukuumaddu ka wado gobolka Awdal, taasi oo uu sheegay in dadka deegaanka oo arrintaasi ka cawday loo baahan yahay in xukuumaddu dhegaysato cabashadooda waxna laga qabto dhibta ay ka cabanayaan.

 

Wuxuu sidoo kale madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyay inuu bulshada la hadlo islamarkaana wax ka qabto sixir bararka iyo dhibaatooyin kale oo bulshada ka dhex jira.