Axmed Ismaaciil Samatar oo wax aan suurto-gal ahayn ku tilmaamay in wakhtigan laga hadlo in Somaliland dib ula midowdo Soomaaliya

Apeldoorn, (SLpost)- Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo hoggaamiye ka ah Xisbi-siyaasadeed Hiil-Qaran la yidhaahdo oo ka tirsan Xisbiyada Soomaalida ee Qurbaha lagaga dhawaaqay, ayaa sheegay inay nacasnimo tahay in maanta la isku dayo in Somaliland lagala hadlo dib u midaw Soomaaliyeed.

Axmed Ismaaciil Samatar oo dhalasho ahaan reer Somaliland ah, hase ahaatee, mabda’ ahaan taageersan siyaasadda Soomaali-weyn, ayaa sheegay inaanay suuragal ahayn wakhtigan in Jamhuuriyadda Somaliland dunida amaba Soomaaliya isku dayaan inay kala hadlaan midaw mar labaad dhex-mara Soomaaliya 52 sano oo ay midoobeen ka dib, iyada oo Somaliland 18-kii May 1991-kii xornimadeeda gooni-isu-taagga kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo hadal ka jeediyey kulan Xisbiga uu hoggaamiyo loogu qabtay toddobaadkan magaalada Apeldoorn ee waddanka Holland, ayaa warbixin dheer oo u kaga warramay xaaladda magaalada Muqdisho iyo deegaanno kale oo Soomaaliya ka mid ah ee nololeed, siyaasadeed iyo sida dalka Soomaaliya Hiil ugu baahan yahay, isla markaana ka warramay xaaladda dadka Soomaalida ah ee Qaxoontiga ku ah Xerada qaxoontiga Dhadhaab ee dalka Kenya oo uu ku tilmaamay mid aad u adag. Prof: Samatar waxa uu sheegay inay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya kulmeen kana wadahadleen arrimo badan oo siyaasadda dalka la xidhiidha, waxa kale oo uu sheegay dhibaatooyin siyaasadeed iyo sumcad-darro uu Soomaaliya ku hayo Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya Augustine Mahiga.

“Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Adxmed socodkeygii hadda ismaannaan arag, laakiin bishii Maarso 2012 ayaan arkay, su’aal ayuu I weydiiyey uu leeyahay. ‘Guddiga Somaliland iyo Soomaaliya dhex-dhexaadinaya ee la abuurayo ma kugu dari karaa? Waxaanan ku idhi; ‘Kaadhka iska gubi maayo, ee waan kugu soo socdaaye is ilaali.” Sidaa ayuu yidhi Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo ka hadlayey hadal ay bishii saddexaad ee sannadkan is-dhaafsadeen Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

“Arrimaha Siyaasadda: Siyaasadda waan galnay, waan galeynaa ma ahan, ee waan galnay, aniga weligeey isma oran siyaasad Soomaaliyeed baad geleysaa, waxaan maqsuud ku ahay nolosha cilmiga (Academic life) oo ah mid macaan, nadaafad badan, jeebkuna iska yara buuxo, meeshaad gashaba waa lagu fahmayaa, waxaan u baahanahay inaan bedelno sawirka ay innaga haystaan dadka dalkii jooga, waxey inoo haystaan dad naarta halkaas ka socota halkaan ka shida oo basiin ku sii shuba. Markaa waa inaan xilweyn iska saarno sidii aan dalka u badbaadin laheyd, qof kasta oo xilkas ah waa inuu wiil ama gabar yar oo wax baraneysa caawiyaa oo aad dadkaaga sidaa u maalgeliso waxba kaa tari mayso haddaad 10 shillin ku bixiso.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar oo la hadlayey Qurba-joogga Soomaaliyeed ee ay isku Xisbiga yihiin ee waddanka Holand.

Waxaanu Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo ka hadlaya hindisaha la xidhiidha in midaw Soomaaliya iyo Somaliland mar kale dhex-mara lagala hadlo Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu yidhi; “Somaliland maanta in lagala hadlo midow ma qabo anigu, xaq looguma laha waa nacasnimo mana qaadan karaan, yey la hadlayaan.?”

SLpost News Desk

Mohamed Cabdi Aadan (Indho)

Indho145@hotmail.com