Axmed Carwo oo isbar-bardhigay Doorashooyinka Ingiriiska vs Somaliland iyo Saamaynta Qabyaaladdu ku leedahay

carwoLondon (SLpost)- La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee dhinaca Dhaqaalaha iyo Maalgeshida Aqoonyahan Axmed Xasan Carwo, ayaa is-barbardhig ku sameeyey saamaynta Qabyaaladdu ku leedahay dabbaqaadda iyo hoggaansanaanta shuruucda Dimuqraadiyadda, isaga oo isbar-bardhig ku sameeyey qaabka ay jaaliyadda Somaliland uga qayb-qaadanayaan Doorashooyinka la filayo todobaadkan dhammaadkiisa inay ka qabsoonto dalka Ingiriiska iyo diyaar-garowga loogu jiro doorashooyinka Somaliland.

Axmed Carwo oo barnaamij taxane oo uu ugu magac-daray TALO IYO TUSAALE oo todobaad walba uu warbaahinta ugu soo gudbiyo Muuqaal (VIDEO) uu aragtidiisa ka dhiibto xaaladaha Dhaqan-dhaqaale iyo bulsho ee dalka iyo dibaddiisaba, waxa uu todobaadkan ku soo qaatay saamaynta uu qabiilku ku leeyahay dimuqraadiyadda iyo dowlad-wanaagga.

“Dimuquraadiyadu waxay ku dhisantay in inta isku maslaxada ihi dantooda wada ilaashato, inagana qabiil kala dan ah oo taajir leh, oo faqiir leh, oo waayeel leh oo dumar leh oo xoolo dhaqato leh ayaa odhanaaya xisbi hebel ayaanu galnay oo daniba kama dhexeyso ee maxay ka rabaan oon ahyn hebel hebel ku beddel. Dalkan ingiriiska waxa ka dhacayso doorasho khamiista tan xigta Soomaalidu se isla habkii qabiilka ayey indho la’aan halkan u foodayaan ooyna u eegeyn maslaxadooda kala gedisan…kolkaad siyaasiga tidhaa maxaan kugu doortaa ayuu isna noqonayaa nin barnaamaj la yimaada oo oggolaada la xisaabtan. Waxa isku dan ah beeraleyda kan Awdal jooga iyo kan Sanaag jooga, kan degan Togdheer, Saaxil, Laascaanood iyo Maroodijeex,” Sidaas ayuu yidhi Aqoonyahan Axmed Carwo.

Halkan ka daawo