Axkaamta Soonka – Qaybta 3aad

shekhMaxaa karaahiyo ah marka aad sooman tahay?

  • In aad soonto maalinta shakiga (sida in la arki waayo bisha, Shacbaanna aan la dhammaysan
  • In aad soonto sannadka oo dhan.

Maxa lagaaga baahan yahay marka aad sooman tahay?

  • Inaad badiso xuska Alle SWT sida Qur’aan akhris badan, digri badan iyo duco badan ba
  • Inaad wakhtiga ilaaliso (waa in aanu wakhtigu kugu dhaafin inaad lumiso sida adoo ciyaaraya ‘game, dubnad, laadhuu iyo shax’. Ogow in culimada qaar dubnadda laadhuda iyo shaxda sidooda u xaarantimeeyaan, markaa in wax laysku haysto aanu soonkaagii kugu dhaafin waa dardaraan )
  • Inaad badiso salaadaha sunnayaasha ah, waxa dhacda in dadka qaar salaadda tahajudka u kacaan, salaadda subaxna ka seexdaan, taasi maaha mid bannaan.
  • Inaad sadaqada badiso, sida adiga oo afurinaya qof sooman ama wax siinaya qof baahan.

Waa ayo dadka soonka laga fududeeyey?

  • Qofka gaboobay (qofka gaboobay waxa ku waajib ah in maalin wal ba u miskiin quudiyo, waxaana laga bixinayaa mud (laba kilo iyo badh) raashin ah ama qof sooman ayuu afurinayaa. Hadduu doonana hal maalin ah ayuu soddon miskiin wada afurrinaya)
  • qofka xanuusanayaa (qofka xanuusanaya haddii la rajaynayo inuu ka kaco wuu soo qallaynayaa, haddii aan rajo laga qabin inuu ka bogsan karo xanuunka isna sida qofka gabowga ayaa laga afurrinaya)
  • qofka socotada ah (musaafirku isagu wuu iska afurayaa hadhowna wuu soo qalaynayaa).

Muxuu qofka soomani ku afurayaa?

Waxa sunne ah inaad ku afurto timir, oo Asxaabigii Anas Rc wuxu yidhi xadiiska u wariyey “Rasuulku CSW wuxu ku afuri jiray dhawr xabbo oo timir ah.”

Sidoo kale Rasuulku CSW wuxuu ku dhiiri galiyey Asxaabtiisa inay timirta ku afuraan, sidaa awgeed waxa sunne ah in timirta lagu bilaabo afurka, timirtuna waa geed sonkor dabiici ah leh, sida macmacaan yada macmalka ahna aan keenin wax cillad ama xanuuna, culimada caafimaadku waxa ay dhiri galiyaan ku afuridda timirta iyagoo sheega caloosha madhani inay ka helayso tamar wax ku ool ah, sidoo kale aanay caloosha galayn wax cillad ahi haddii lagu afuro timir iyo biyo.

 

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub