Axkaamta Ramadaanta (Qormada 24aad) LAYLATUL-QADRIGA (Q.2aad)

shekhRasuulku CSW wuxu doonayey habeenkani habeenka u dhaco inu Saxaabada u sheego, se waxa dhacday in laba Saxaabi oo murmay darteed Rasuulki CSW la ilawsiiyey habeenku habeenka uu ahaa, “Waxase laga yaaba inay sidaasi idin khayr badan tahay.” Rasuulku CSW wuxuu hadalkaa u lahaa inaynu ka baadhbaadhno habeenada laynoo asteeyey midkood inu yahay, “Ka daydaya habeennada kala dhiman, kow iyo labaatanka, saddex iyo labaatanka, shan iyo labaatanka, toddoba iyo labaatanka iyo sagaal iyo labaatanka.” Sidaa ajligeed habeen uun aduu astaysan maysid, se habeenku waa habeen guur guura ee habeennada kala dhiman ba iska xil saar inaad ka baadhbaadho.

Habeenkan waxa lagu wayneeya waa salaad badan, duco badan iyo xuska Alle SWT oo la badiyo, “Qofka kaca habeenka laylatul-qadriga, ee u kiciyo iimaan iyo Alle ka cabsi, waxa la dhaafa dambigiisi hore iyo kiisi dambe ba.”

Sidoo kale habeenka waxa lagu gartaa cirku inaanu daruur lahayn, jawiguna meel dhexaad yahay qabow iyo kulayl aan midna hayn, habeen ahaanna uu yahay mid nabdoon. Hase ahaate laguma garto ey baa ciyey, iyo dameer baa dinaahiyey.

Caa’isha Rc ayaa Rasuulka CSW wayddiisay haddaan la kulmo habeenkan maxaan idhaa, Rasuulku CSW wuxuu ugu jawaabay inay ku ducaysato, “Allow waad saamaxaad badan tahay, cidda wax samaaxdana waad jeceshahee na saamax.” Run ahaantii waa duco wax walba koobsanaysa.

Waxa aynnu baraarujin lahayn in ay habeennadan oo kale ay dhacdo in dadku salaadaha sunnayaasha ah ku dadaalaan oogistooda halka kuwi la faray ee lagala xisaabtamayey ay dayacaan. Waxa aad arkaysaa qof Tarawiix ama Tahajud habeen walba u taagan oo haddana salaaddii subax ka hurda, taasi cibaado noqon maysee waa istusnimo, mid kale ogow sunnaha oogisteeda iyo oogis la’aanteeda mid qiyaamaha lagu wayddiinayo maaha, hase ahaate inaad salaadaha faralk ah oogtaa waa mid qiyaamaha ku dul saaran.

Ma diidayo in la tukado salaadaha sunnayaasha ah, hase ahaate waxa aan leeyahay faralka aynu ka soo dhalaalno horta, dabadeed sunnayaasha aynu u soo tafaxaydano, si cibaadadu inooga noqon mid wajiga laynagaga dhufto.

 

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub