Augustina Mahiga oo Faro-gelin Qaawan ula badheedhay Xukun ay go’aamisay Maxkamadda Ciidamada Somaliland

[N]airobi (SLpost)- Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustina Mahiga ayaa muujiyey cadaawadda qotoda dheer iyo nacaybka uu u hayo Somaliland isaga oo farogelin qaawan ku sameeyey arrimo u gaar ah Somaliland gudaheeda.

Mahiga oo horeba dhowr jeer Faro-gelin noocan ah ku sameeyey Gudaha Somaliland ayaa wakhtigan isaga oo ka faa’idaysanaya xukun dhawaan lagu fuliyey maleeshiyo weerar ku qaadday ciidamada Qaranka, waxa uu si badheedh ah wax uga sheegay Garsoorka Somaliland.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa magaalada Nairobi ayuu kaga hadlay xukunno ay Maxkamad Milatari ku ridday Maleeshiyo hubaysan oo weerar ku qaadday Xero Ciidan oo ku taala Bariga Hargeysa, kuna waxyeelloobeen dad ka tirsan labada dhinac. Waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in Somaliland dib uga noqoto go’aanka Maxkamadeed ee xukunka dilka ah loogu fuliyey 17 ka mid ah 28 qof oo dhacdadaas loo qab-qabtay halka Shan ka mid ah lagu xukumay xabsi-daa’in.

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Mahiga ayaa u dhignaa sidan:-

“Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Somaliland/Soomaaliya Dr. Augustine P. Mahiga, waxa uu walaac ka muujinayaa isku dhacii dhawaan magaalada Hargeysa iskaga hor yimaaddeen ciidamada Ammaanka Somaliland iyo Muwaddiniin reer Somaliland ah, kaas oo sababay dhimashada dhowr qof oo labada dhinacba ah. Todobada iyo toban ka mid ah eedaysanayaasha loo qabtay dhacdadan ayaa lagu xukumay dil toogasho ah halka shan ka mid ah lagu xukumay xabsi daa’in.

Waxaannu ka xunnahay khasaaraha nololeed ee labada dhinac soo gaadhay, waxaannu danaynayaa xukunka dadka shacabka ah ay ku ridday Maxkamadda Millateri, taas oo aannu ku qaaddacsannahay go’aankaas marka loo eego shuruucda gudaha, kuwa dhaqanka iyo kuwa caalamiga ah.

Waxa uu wakiilku ku boorinayaa in si dakhso ah dacwadda loogu wareejiyo Maxkamad dembigooda qaadda. Waxaannu ku dhiirri-gelinaynaa masuuliyiinta dawladda Somaliland inay xaqiiqsanaadaan in si loo helo xuquuqaha dacwad cadaallad ah, in la tixgeliyo furitaanka dacwad cusub. Waxaannu uu ku baaqaynaa in baadhitaan dhammeystiran, cadaalad ah oo madax-bannaan lagu sameeyo sababaha keenay dhacdadan iyo saamaynta ka dhalatay.”

Si kastaba ha ahaatee, tallaabada noocan ah waxa ay muujinaysaa doorka uu ka ciyaaro hagar-daamooyinka uu wakhti kasta u maleego Somaliland si uu waxyeello u gaadhsiiyo, maadaama uu wakhtigan ku tallaabsaday inuu faro-gelin qaawan ku sameeyo go’aannada Garsoor ee dalka.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net