Askartii Toogatay Saraakiishooda Oo Dil Lagu Fuliyay

Hargeysa(SLpost)-Xukuumada Somaliland ayaa dil ay maxkamaduu ku rideen ku fulisay lix ka mid ah dadka tirada badan ee dilka ku xukuman, waxaana wararku ay sheegayaan in lixdan nin ay dhamaantood ahaayeen kuwii laayay saraakiishii kala duwanaa ee ciidamada qaranka iyo booliska.

Kooxdan gacan ku dhiiglayaasha ah ee maanta la toogtay ayaa ah kooxdkii labaad ee toogasho lagu fuliyo intii xukuumada madaxweyne Siilaanyo ay jirtay, waxaana haatan ka buuxa xabsiyada kala duwan ee dalka maxaabiis tiro badan oo maxkamadaa dalku ay ku xukumeen dil toogasho kadib dilal ay gaysteen, kuwaas oo aan wali xukuumadu ku dhiiran fulintooda.

Lixdan gacan ku dhiigle ee la dilay ayaa u muuqda inay yihiin kuwo loogu quus goynaayo ciidamada dilaaya saraakiishooda.