Salaan kadib , Bushoyinka Afsomaliga ku hadla  markay doonayaan in ay cid ay  wax ku diidan yihiin dhaliilaan waa wax iska Caadi ah in ay Raad sadaan Salaan ama wax  kale oo ay sii fuulaan si ay Taageero ugu helaan waxa ay sheegayaan taas oo     inta badan sababta  in  ay ku xadgudbaan SHarafta iyo Karaamada Cid kale.
Hadii aan u gonad dego Ujeedada aan Maanta Qalinka u qaatay ,Dalkena JSL  in badan waxaa dhegahayga  ku sodhacaysa  ASKARI Dalka ma xukumi karo , Askari Dalka laguma  Aaminikaro  ,  lkn waa in aynu  isxasuusinaa   in  Cibaadada Alle oo aan si bilaa cabsi ah ugudano , Hurdada Habenkii oo aan si bilaa cabsi ah u seexano , Ganacsigeena oo aan si bilaa Cabsi ah uganacsano , Caruurteena oo waxbarashada si xor ah oo aan Cabsi yi ku jirin wax u barata , isusocodka Bulshadena iyo Adigoo halkaad doonto degi kara ama seexan kara.
Dhammaan inta aan sheegay iyo inkale oo kabadaniba  waxay ku dhisan yihiin Illaahay Amarkii ASKARIGA Isagoo nolol Raaxo leh ku noolaan karayey , isaga oo Noloshaada oo kale ku nolaan karayey intaas oo dhan intuu iskagatagay , Waalidiintiisii iskaga tagay , Caruurtiisii iyo Xaaskiisii uu Jeclaa iskaga tagay  oo kadoor biday in uu Milicda   iyo Dabaysha Taagnaado  , kadoor  biday in uu DHaxanta Habeenkii sojeedo , ka doorbiday in uu Xabada Laabta u dhigto .
Hadaba Akhristaha SHarafta lehaw waxaad iswaydiisaa Suaalahan :
- Adigoo ka shidaal qaadanaya Arimhaa aynu kor ku soosheegnay ,  Askariga    ma masuuliyad gooniya ayaa Dalka kasaaran ? mise waxaa jira Xoog kale oo ku qasbaya in uu SHaqadan qabto ?
- Ma Askariga yaa jecel in uu shaqadan qabto ?
- Ma Askariga ayaa shaqo kaleDalka  kawaayey     ?
- Ma  Askariga ayaa SHaqo kale  ( XIRFAD) aan   aqoon ?
- Hadii Askartuba   SHaqada  ay Dalka u hayaan diidaan maxaa inagu dhacaya ?
Gunta iyo gabagabadii Adigoo dhaliilaya Qof aad mabda,iyan kala aragti duwantihiin Xuquuq distoriya oo kula mid ahna leh , mafiicna in aad Ceeb oga dhigto Beri buu Askari  ahaan jiray , Adigoo waliba Iskataagaya dhic kale islamarkaana Taxaya  qodobo Xumaan ah oo SHaraf dil ku ah Rukun kamid ah rukumada Qarranka JSL ku taagan yahay.
F/G:  Uma hadlayo Qof gaar ah (SHIQSI)   kaliya waxaan tilmaamay in  Askarigu Yahay  Astaanta Nabadgelyada iyo Jiritaanka   uu Qarranku  leeyahay , sidaa daraadeed yadoo looga faaiidaynayo cid gaar ah  aan si khaldan lo isticmaalin.
Allaa mahadleh qore : Axmedysin Cabdullahi Maxamud Baaryare
Burco Somaliland
Email: baaryare2015@gamil.com