Askarigii Dilka u geystay Marxuum Gacma-dheere oo maanta lagu Fulinayo Xukun Qisaas ah oo Maxkamad Ciidan ku Ridday

Hargeysa (SLpost)- Gacan-ku-dhiigle Maxamed Cabdillahi Cabdi oo laba todobaad ka hor dil toogasho ah u geystay Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacma dheere) bishii hore, ayaa la sheegay in Maanta ilaa Berri lagu fulin doono Xukun Qisaas ah oo Maxkamada Ciidamada Qaranka Somaliland ku xukuntay

Alle ha u naxariistee Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacma-dheere) oo qayb ka ahaa wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Caafimaadak Dr Saleebaan Xaglo-toosiye, ayaa Askariga Gacan-ku-dhiiglaha ah oo ku sugnaa goob Kaantrool ah oo ay ka samaysteen Tuulada Qoton-dabo oo ka tirsan degmada Sabawanaag ee gobolka Maroodijeex, waxaanu halkaas si badheedh ah xabbad ugu furay gaadhi xuu saarnaa Marxuumku. Haseyeeshee, ilaallo la socotay weftiga wasiirka, ayaa isla markiiba gacanta ku dhigtay Askariga Dilka geystay.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii uu dilkani dhacay waxa uu amray in si deg-deg ah Xukun dil loogu xukumo gacan ku-dhiiglaha qudha ka jaray Marxuumka.

Ilo-wareeyo u dhuun daloola Xukunka Askariga lagu riday iyo Maxkamadda Ciidamada ee xukuntay, ayaa wargeyska Himilo u sheegay in xukunka Qisaasta ah ee Gacan-ku-dhiiglaha la fulin doono maanta ilaa Berri. Balse, ilo-wareedyo ma xaqiijin goobta lagu fulin doono xukunka qisaasta ah iyo amminta  ay tahay midkoodna.

Gudoomiyaha Maxakamadda Ciidamada Qalabka-sida ee Somaliland Gaashanle Sare  Yuusuf  Faarax Sharmaarke oo hore u shaaciyey xukunka lagu riday Gacan ku-dhiigle Maxamed Cabdilaahi Cabdi, ayaa sheegay in sidoo kale Maxkamaddu xukun xadhig 10-sanno ah ku ridday Askari lagu magacaabo Maxamed Axmed Ismaaciil oo ka tirsan Ciidanka Booliska, kaas oo la sheegay inuu wehelinayey Askariga kale ee dilka geystay.

Maxamadda ayaa Gacan ku dhiigle Maxamed Cabdillaahi Cabdi, ku heshay dambi ah inuu Marxuum Gacma-dheere kula kacay dil badheedh ah, halka Askariga 10-ka sanno lagu xukumayna lagu helay inuu isagu u yeedhay Askari dilka gaystay markii dambena difaacay.

Waxa uu Guddoomiyaha Maxkamaddu sheegay in sidoo kale laba Askari lagu helay ah inay iyagu Iskood u samaysteen goob Kaantarool oo sharci-darro ah oo ahayd meesha dilku ka dhacay.

Si kastaba ha ahaatee, Fulinta go’aanka oo noqonaya kii ugu horreeyey noocisa muddo sannado ah, ayaa wadadda u xaadhayaa in la fuliyo xukunno qisaas ah oo gacan-ku-dhiigleyaal tiro badan ugu jiraan xabsiyada dalka oo xaalado kala duwan u xanniban marka laga yimaaddo dhamaytirka jaran-jarooyinka maxkamadaha kala duwan.

@Himilo