Askari dhaawac iyo Dil u geystay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka iyo Taliye Dhaawaciisa diyaarad loogu qaaday Djibouti

Boorama, (SLpost)- Askari Ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa toogasho ku dilay Sarkaal lagu magacaabi jiray Faarax Carraale Waaberi oo ahaa Xiddigle ka tirsan Ciidanka Qaranka, halka sidoo kale dhaawac halis ahi ka soo gaadhay falkaas Taliyihii Ciidammada Qaranka ee Aagga galbeedka Somaliland Gaashaanle Sare Xasan Caqli.

Falkan oo subaxnimadii hore ee maanta ka dhacay Xero Ciidan oo ku taalla magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxa dhaawac halis ah ka soo gaadhay taliyaha Ciidamada Qaranka ee Aagga Galbeed Gaashaanle Sare Xasan Cabdi Caqli oo gelinkii dambe ee maanta Diyaarad gaar ah lagaga qaaday magaalada Boorama, iyadoo la geeyey waddanka Jabuuti oo xaaladdiisa caafimaad lagu dabiibayo.

sawirkaDhacdadan waxa ka hadlay Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), waxaanu sheegay inay gacanta lagu dhigay Askarigii falkan geystay baadhis ku wadaan sababtii ka dambaysay dilka uu Askarigani ula badheedhay saraakiisha ka tirsan Ciidamada Qaranka.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Dhinaca kale, gelinkii dambe ee maanta ayaa dhaawaca taliyaha Ciidanka Qaranka ee Aagga Galbeed, waxa diyaarad loogu qaaday magaalada Djibouti, kaddib markii xaaladdiisa caafimaad waxba lagaga qaban kari waayey cusbitaalka magaalada Boorama.