Askar ka Tirsan Ciidamada Kenya oo Qarax Miino Lagula Beegsaday Xadka Soomaaliya iyo Kenya

 

Nairobi(SLpost)-Shan askari oo ka tirsan ciidamada millateriga Kenya ayaa ku dhaawacmay maanta qarax miino oo lagula beegsaday gaadhi ay wateen deegaanka Hululuqo oo ku dhow xadka kala qaybiya Soomaaliya iyo Kenya.

Saraakiil ka tirsan ciidanka amniga dalka Kenya ayaa laga soo xigtay in miinada gaadhiga ay wateen ciidamada KDF ay goobta geliyeen xubno ka tirsan Al-shabaab. Iyadoo xidhiidhiyaha gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, Saalax Maxamuud uu isagana xusay in ciidamadii ku dhaawacmay qaraxa loola cararay cisbitaal.

“Gaadhiga ay ciidamadu wateen wuxuu ku istaagay miinada oo dhulka ku aasnayd, waxaana ku dhaawacmay shan ka tirsan ciidamada millateriga Kenya,” ayuu yidhi Saalax Maxamuud oo warbaahinta la hadlayey. Isagoo xusay in ciidamadu roondo ku marayeen halkaas.

Sidoo kale, Afhayeenka ciidamada millateriga Kenya, Col. David Obonyo ayaa wuxuu isna u xaqiijiyay warbaahinta qaraxa lala beegsaday askar ka tirsan ciidamada KDF ee wadanka Kenya oo ilaalo ka hayay xuduudda u dhexeysa Kenya iyo Somalia.

“Qaraxu wuxuu dhacay isagoo xeradii uu ka baxay u jira 5-km, dhaawacyadii askartaana waxaa lagu daweynayaa cisbitaalka,” ayuu yidhi Col. David Obonyo, balse ma uusan sheegin noocyada dhaawacyada soo gaadhay shanta askari.

Xadka u dhexeysa Somalia iyo Kenya ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay qaraxyo lala beegsaday ciidammo ka tirsan booliis iyo millateriga Kenya, kuwaasoo ay dhimasho iyo dhaawacba soo gaadheen.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan Xukuumadda Kenya ka dalbaday inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaliya.

Ugu dabmeyn, Kenya ayaa waxay ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya sannadkii 2011-kii, xilligaas oo ay sheegtay in ay la dagaallamayso xoogagga Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen xad-gudubyo xuduud-ka-tallow ah oo ay ka geysatay Kenya gudaheeda.

Qaraxani waxa uu daba socdo hanjabaad ay Al-shabaab ayaa dhowr jeer ugu baaqday Kenya inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, si ay uga joojiso Weerarrada ay gudaha dalkooda ka geysanayso, inkastoo madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta uu dhowr jeer oo hore sheegay inay ciidamadooda joogayaan Somalia inta laga xasilinayo.

 

Somalilandpost, Nairobi