Arsense Wenger oo Weerar ku Hujuumay Tabobare aanu Waligii Ciyaar ka Guulaysan (DAAWO)

LONDON (SLpost)- Macalinka Kooxda Arsenal, Arsene  Wenger ayaa weerar gacanta ah ku qaaday tababaraha Kooxda Chelsea aanu waligii ka guulaysan, iyada oo lagu gudo-jiro Ciyaarta kulan ka tirsan Horyaalka Premier League oo labada kooxood maanta isku haleeleen  garoonka Stamdord Bridge ee Kooxda Chelsea.

Labada Kooxood ee Chelsea iyo Arsenal oo xafiistan weyn ka dhexeeyo, ayaa ka dhisan magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxaana kooxaha ugu ad-adag ee ka dhisan dalka Ingiriiska.

Kulanka Maanta dhexmaray labada Kooxood oo Chelsea ku badisay 2-0, ayaa noqonaya kulankii 12aad ee labada kooxood oo labada tabobare kala wataan ku dhexmara ciyaaraha laga dheelo Dalka Ingiriiska, hadday Premier Leage, FA Cup iyo Carling Cup intaba.

 

Waa markii ugu horraysay ee labadan tababare isku gacan qaadaan isla markaana colaadda ay isku hayaanna isku beddesho gacan ka hadal.

Todobaadyadii u dambeeyey, waxa labada tabobare warbaahinta ku dhexmarayey hadallo midiba ka kale ku durayo, iyada oo tabobare Mourinho hore ugu tilmaamay dhiggiisa Arsenal inuu Khabiir ku yahay Guul-darrada (Specialist in Failure).

Maaha markii u horeysay ee laba tabobare oo ka tirsan Horyaalka Ingiriisku ay sidan oo kale isku hujuumaan garoonka dhexdiisa, waxaana ka horreeyey tabobareyaashii hore ee Kooxaha labada Manchester, Mancini iyo Alex Ferguson, oo kulan ay labada kooxood ku lahaayeen garoonka kooxda City xilli-ciyaareedkii 2011-kii oo kooxda Manchester City guushu ku raacday, ay labada macalin sidan oo kale isku hujuumeen.

Lama Oga, ilaa immikana wax war ah kama soo bixin guddiga xidhiidhka kubadda Cagta ee Ingiriiska  (FA)  tallaabada ay qaadi doonaan ee la xidhiidha xurgufta gacan-ka-hadalka isku beddeshay ee labada tabobare.

Halkan Hoose ka Daawo