Arsene Wenger oo xaqiijiyay in dhaawac cusub soo gaadhay Jack Wilshere

SLpost SPORTS – Jack Wilshere ayaa dhaawac cusub soo gaadhay intii uu ka soo kabanayay dhaawaciisii hore,  laakiin tababare Arsene Wenger ayaa diiday inuu xaqiijiyo in ciyaaryahanka khadka dhexe uu seegayo inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.
Wilshere ayaan u ciyaarin Kooxda Gunners xilli ciyaareedkan oo dhan ka dib markii qaliin lagaga sameeyay Canqowga, waxaana uu ku dhawaa inuu ku soo laabto garoomada ka dib markii uu ka soo hormaray xilligii la filayay inuu soo kabanayo.
Si kastaba ha ahaatee, Wilshere ayaa haatan loo diray dhakhtar specialist ah, ka dib markii uu xanuun ku dareemay tababarka.

Wargeyska The Guardian ayaa sheegay in dhaawaca cusub uu yahay mid sababi kara in Wilshere aanu ciyaarin inta ka dhiman xilli ciyaareedkanl; “Wilshere dhaawac kale ayaa soo gaadhay, haatana baadhis ayaa ku socota,” ayuu Wenger ku sheegay shirkiisa Jaraa’id ee shalay waxaanu inta sii raaciyey hadalkiisii, “Weli ma naqaano sida dhaawaca uu yahay. Xanuun ayuu ka dareemayaa canqowga marka uu ordaayo.Hore ayaan ka joojinay inuu tababar sameeyo. Waxaana uu maanta la kulmayaa dhakhtar takhasus ah, sidaasi darteed ma doonayo inaan idiin sheego war khaldan”.

Warkaan ayaa waxa uu shaki gelinayaa in Wilshere uu ciyaari karo ciyaaraha Euro 2012 oo uu u safto xulkiisa England.

SLpost Sports News

sports@somalilandpost.net