“Arrin Ganacsi ah oo Ganacsadayaasha Alla-Yasir iyo Al-Jaabiri Baratankooda ah ayaa Daruurtiisu ku hoortay Berbera” – Xildhibaan Qabille

BERBERA (SLpost)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo doorto gobolka Saaxil, ayaa sheegay in shaqaaqada Isniintii toddobaadkii hore ka dhacday magaalada Berbera ee la xidhiidhay dhismaha Maxjar saddexaad oo binadiisa laga bilaabay magaaladaas oo laba Maxjar oo hore ku yaalleen, ku timi masuuliyad-darro iyo gudasho la’aanta waajibaadka Xukuumadda ka saaran kala xadaynta Ganacsiga, ka dib markii Koox hubaysani weerareen Koox gacanta ku haysay dhismaha Maxjarka 3-aad oo Ganacsato isu tegay dhisayaan.

“Arrin Ganacsi ah Ganacsadayaasha Alla-Yasir iyo Al-Jaabiri Baratankooda ah oo ayaa Daruurtiisu ku hoortay Berbera” – Xildhibaan QabilleXildhibaan Qabille oo ka mid ah Guddiga daba-galka iyo ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada, waxa uu cambaareeyey tallaabada ay Askarta ilaalada Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde Salaasadii todobaadkii hoe ku faro-saareen Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka ee Berbera, waxaanu sheegay inay Golaha Wakiilladu u yeedhi doonaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska, isla markaana ay wax ka weydiin doonaan Awoodda u oggolaatay inay Askartu fara-saarayaan Xildhibaannada Shacabku soo doortay iyagoo aan wax dembi ah oo ay galeen ama ay markaas gacanta kula jireen jirin.

HALKAN KA DAAWO