Arrimaha lagaga Hadlay kulan Dhexmaray Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Horumarinta Maaliyadda Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Somaliland waxa maanta ku qabsoomay kulan laba geesood ah oo dhexmaray Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo masuuliyiin kale oo labada wasaaradood ka socday, ayaa ujeeddada uu xambaarsan yahay lagu sheegay sidii loo xoojin lahaa xog-iswaydaarsiga iyo wada shaqaynta labada wasaaradood.

Sida lagu baahiyey barta Facebook ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha warka kulanka lagu faafiyey, qodobbada ugu muhiim ee intii kulanku socday diirrada lagu saaray waxa ka mid ah Dardar gelinta shaqo maalmeed-ka isuduwayaasha Gobolada iyo xoojinta wada shaqayneed ee isuduwayaasha Gobolada iyo Gudoomiyaasha Gobolada dalka, Daba galka habsami u socodka Mashaariicda JPLG, Isticmaalka nidaamka xisaabeedka dawladda (SLFMIS) ee Dawladdaha hoose iyo ugu dambayntii Maamul-daadejinta Gobollada iyo degmooyinka dalka.

Kulanka ayaa noqonaya kii u horreeyey noociisa ee ay labada wasaaradood oo madaxdooda u sarreysaa horkacayaan ka yeeshaan hawlaha ay qaranka u hayaan.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net